Libaax Baxsad ah oo Xalay labo qof ku dhaawacay Muqdisho ,Cabsi iyo Wal walna ka abuuray Xaafado kuyaala Magaalada.

Libaax Baxsad ah oo Xalay labo qof ku dhaawacay Muqdisho ,Cabsi iyo Wal walna ka abuuray Xaafado kuyaala Magaalada.

daajis.com:-Waxaa Habeenkii xalay Xaafado kuyaala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir cabsi iyo qal qal ku abuuray libaax weyn oo kasoo baxsaday xero lagu xanaaneenayay oo kutaala Degmadaasi.

Libaaxa ayaa kasoo fakaday goob lagu xanaaneeyay oo kutaala Xaafada Warshada Caanaha ee Degmada Hodan ,inta la xaqiijiyay labo qof oo dumar ah ayuu dhaawacyo kala duwan gaarsiiyay kuwaa oo hada lagu daweenayo isbitaalada Muqdisho.

Libaaxa ayaa gabar dhalinyaro ah waxa uu ku weeraray meel aan kafogeen Xaafada Warshada Caanaha ,waxa uuna gabadhaasi gaarsiiyay dhaawacyo culus oo dhinaca Wajiga ah sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal.

“Libaaxa Markii uu haweeneyda qabsaday ayaa waxaa soo joogsatay haweeney kale oo halkaas caano ku iibineysay, iyaadoo dooneysay iney badbaadiso haweeneyda kale oo qelineysay, waxay ul ku dhufatay libaaxa oo markii hore ay moodeysay inuu ahaa dameer, hase ahaatee libaaxii ayaa ku soo jeestay, iyadii, wuxuuna ka dhaawacay garabka bidix ka dibna wuu ka cararay” ayuu yiri goob jooge arkayey sida ay wax u dhacayeen.

Libaaxa fakaday ayaa cabsi badan ku beeray dadka ku dhaqan Xaafada Warshada Caanaha iyo Xaafado kale oo ku dhaw dhaw, kuwaa oo durba bilaabay in ay kala xaroodaan guryahoodana dhaxda kasoo xirtaan cabsi ay libaaxa ka qabaan owgeed.

Ma ahan markii ugu horeesay Libaaxyo kasoo baxsadaan goobo lagu xanaaneeyo kuyaala Magaalada Muqdisho ,Waxaana sanado kahor Libaax baxsad ah uu qof ku dilay Degmada Xamar weyn iyadoona ugu dambeyn Libaaxaasi isna la toogtay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada