daajis.com:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal
shaqo ku joogaan dalka Iran ayaa heshiis iskaashi kula saxiixday
magaalada Tehran dhigiisa Dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor.
Saxiixa heshiiskan ayaa dhacay dhamaadka shirweynaha 9-aad ee
Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka oo lagu soo gebagebeeyey
magaalada Tehran waxaana labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudan
heshiiskan iskaashi iyo wadashaqeynta ku dhisan u kala saxiixay
Gudoomiyeyaasha labada Baarlamaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari oo ka hadlay kulanka heshiiska kadib ayaa tilmaamay in
Baarlamaanka Soomaaliya uu aad ugu faraxsanyahay heshiiska iskaashi iyo
wadashaqeyn ee ay hada la saxiixdeen walaalahooda Sudan waxaana uu
ballan qaaday in dhanka Baarlamaanka Soomaaliya uu heshiiskan ka hirgeli
doono.
Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor oo
isna dhankiisa heshiiskaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn tilmaamay in
Sudan ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin iney iskaashi wadashaqeyn heshiis
ku saabsan ay la saxiixdaan walaalahooda Soomaaliyeed waxaana uu isna
dhankiisa ballan qaaday in heshiiskan ay ka go’antahay hirgelintiisa
Baarlamaanka dalka Sudan.
Heshiiskan iskaashiga iyo wadashaqeynta ah ee ay kala saxiixdeen
Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxa uu
dhigayaa in labada Baarlamaan ay sameeyaan qibrad is weeydaarsi toos ah
iyo iney Sudan bixiso tababarro dhanka shaqaalaha Golaha Shacabka ah iyo
farsamooyin qibrad isdhaafsi ah oo labada Baarlamaan dhexmari doona.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah guullaha uu ku talaabsanayo Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya mudooyinkii ugu dambeeyey,ayadoo heshiiskan uu
sidoo kale ka mid noqonayo heshiisyada uu Golaha Shacabka Soomaaliya la
saxiixday Baarlamaannada dhigiisa ah ee heer gobol iyo kuwa caalamiga
ahba.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:36 and have
, Published at