Diyaarado Dagaal oo la sheegay in ay duqeeyeen guri uu degnaa Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere

Diyaarado Dagaal oo la sheegay in ay duqeeyeen guri uu degnaa Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in habeenkii xalay diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn duqeyn culus ku garaacday guri kuyaala Degmada Baraawe.

Goob joogayaal kusugan Degmada Baraawe ayaa qaar kamid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho waxa ay u sheegeen in duqeynta lagu weeraray guri uu Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ka degnaa Baraawe.

Wali lama oga in waxyeelo kasoo gaartay Duqeyntaasi Afhayeenka Al-Shabaab iyo saraakiil kale oo la sheegay in ay gurigaasi kusugnaayeen ,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab.

Waxaan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin jiritaanka Weerarka Duqeynta ah ee xalay ka dhacay Degmada Baraawe , mana jiro cid ka hadashay weerarkaasi marka lagareebo qaar kamid ah Idaacadaha Muqdisho oo soo xiganaya Saraakiiliyo goob joogayaal.

Waxii Warar ah ee amuurtan kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada