Top News:- Madaxii Miino-Baarista Maamulka Jubba Oo Shalay Ay Toogteen Ciidamo U Direy Madaxweynaha Maamulka Sheekh Axmed Madoobe.

Top News:- Madaxii Miino-Baarista Maamulka Jubba Oo Shalay Ay Toogteen Ciidamo U Direy Madaxweynaha Maamulka Sheekh Axmed Madoobe.

daajis.com:-Xaaladiisa caafimaad ayaa aad looga deyrinayaa, iyada oo uu gumaca maskaxda fadhido sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah.

Jamaal waxaa dhacay Nabadoon Cumar Xuseen Colhaye oo ahaa guddoomiyaha odayaasha Absame ee wax kasoo dhisey maamulka Jubba, ee ku xaraysnaa Jaamacadda.

Macalin Jamaal waxa uu ahaa ninka labaad ee ugu muhiimsan xagga ammaanka Kismaayo kadib Ciise Kaambooni oo la diley, waxayna u egtahay in raggii muhiimka ahaa ee ciidamadda horkacayay hal hal loo siibayo, midba shil gooni ah ku dhinamayo.

Laga soo bilaabo Cawil, Cago-Dhiig, Cabdi Madoobe, Ciise Kaambooni, iyo hadda oo Macalin Jamaal ah.

Macalin Jamaal wuxuu ka tirsanaa mucaskarka Raaskaabooni, gaar ahaan illaalada Xassan Turki, xiligii ciidamadda Ethiopia lala dagaalamayay waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ay isla socdeen Ciise Kaambooni.

Kadib waxa uu tabobare sare ka noqdey mucaskarkii Badda Madoow, halkaasi oo taqasuskiisa ahaa miinooyinka iyo qaraxyadda.

Wuxuu xulufo la ahaa hogaamiyaha maamulka ku meel geerka ee Jubba, Axmed Madoobe ka hor inta uusan Alshabaab isu dhiibin 2 sanno ka hor, balse markii Alshabaab laga saaray Kismaayo ayuu u baxsaday dalka Kenya halkaasi oo lagu xirey.

Maamulka Jubba, gaar ahaan Axmed Madoobe ayaa kasoo siidaayay xabsiga Kenya, wuxuuna kusoo laabtay Kismaayo, isagoo samaystey ciidamo gaar ah, wuxuuna degenaa xaafadda Siinaay ee Kismaayo.


Maadaamaa taqasuskiisa ayaa miinada ayaa waxa uu magaalada ka saari jirey miinooyinka Alshabaab ku duugaan magaalada, waxaadna xusuusan kartaan boqolaal miino oo wasiirka amniga Jeneraal Darwiish uu saxaafadda usoo bandhigey, kuwaasi oo magaalada Kismaayo laga soo saaray, Macalin Jamaal waxa uu ahaa ninkii soo saaray miinooyinkaasi iyo kuwa kale oo baddan.

Waxaa jirtey in ciidamadda AMISOM ay garoonka Kismaayo oga yeereen Macalin Jamaal, islamarkaasina la saxiixdey heshiis aanan la ogeyn waxa uu yahay, balse loo maleynayo in uu ku saabsanaa miino saarista, waxaana heshiiska isaga ku wehliyey Axmed Qorone iyo Cilmi, halka ninka heshiiska la galay magaciisa naloogugu sheegey Buule oo ka tirsan ciidamadda Kenya.

Lama oga sababta ciidamada loogu direy, iyo waxa keeney in ay rasaas dhacdo.

xigasho:-  kismaayonews



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada