Iran ayaa ka digtay inay ciidan u diri doonto dalka deriska ee Pakistan haddii...

Iran ayaa ka digtay inay ciidan u diri doonto dalka deriska ee Pakistan haddii...

daajis.com:-Iran ayaa ka digtay inay ciidan u diri doonto dalka deriska ee Pakistan haddii la sii dayn waayo shan askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada xuduudda ee dalkaas oo la afduubay 10 maalmood ka hor.
Askartan ayaa la aaminsan yahay in Pakistan loo qaaday kaddib markii laga afduubay gobolka Baluchistan ee dalka Iran.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Iran Abdolreza Raxmani-Fazil ayaa ka codsaday Pakistan inay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah si loo soo daayo askartan.
Koox Sunni ah oo lagu magacaabo Jaysh al-Cadl ayaa sheegtay inay ka dambeeyaan afduubka askartan.
Sawir muuqaal ah

Kooxdan ayaa soo bandhigtay sawirro ay ka muuqdeen askartan reer Iran, oo lagu hayo goob aan la garanayn.
Muqaal laga dawday Tv-ga afka Carabiga ku baxa ee Al-Carabiya ayaa muujinayay mid ka mid ah askarta la afduubay oo sheegay inay nabad qabaan.

Waxaa uu sheegay in kooxda Jaysh Al-Cadl ay doonayaan in askartan ay ku baddeshaan 300 oo maxabuus oo Sunni ah oo ku xiran dalalka Iran iyo Suuriya.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in Pakistan ay arrintan wax ka qabato, haddii kale, "Iran ammaankeeda ayay sugaysaa, iyadoo adeegsanaysa dhulka Pakistan iyo Afghanistan".

Gobolka Baluchistan ayaa ah goob uu iska horimaad ku dhexmaro ciidammada Iran iyo fallaago Sunniyiin ah oo ka soo horjeeda dowladda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada