Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka Ciise Raas Kambooni Kismaayo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka Ciise Raas Kambooni Kismaayo.

daajis.com:- Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka mas'uul sare oo dhanka ammaanka oo lagu dilay magaalada Kismaayo.
Ciise Raas Kambooni ayaa habeenkii xalay lagu dilay magaalada.

Waxaa uu ahaa sarkaalka ugu sarreeya dhanka nabadsugidda ee maammulka KMG ee Jubbooyinka.
Waxaa kale oo weerarkaas lagu dilay saddex askari oo ka tirsanayd ilaalada Ciise Raas Kambooni.

Maammul KMG ah

Ciidammada Kenya iyo kuwa Raas Kambooni ayaa Al-Shabaab magaalada ka qabsaday dabayaaqadii 2012-ka.

Haatan waxa magaalada ka jiro maammul KMG oo uu hoggaamiyo Axmed Sheekh Maxamad Islan oo loo yeqaanno Axmed Madoobe.

Ururka Al-Shabaab ayaa weli ka taliyo tuulooyin ku dhaw Kismaayo, waxayna mararka qaar weerar ku soo qaadaan ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada