Madaxweynaha Soomaaliya oo shir albaabada u xiran la leh Hey'adaha ammaanka dowladda

Madaxweynaha Soomaaliya oo shir albaabada u xiran la leh Hey'adaha ammaanka dowladda

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir albaabada u xiran xilligan waxaa uu Xarunta Booliska ee Commando Polizio kula leeyahay Hey'adaha ammaanka dowladda, iyadoo shirka uu socdo muddo saacado ah.

Shirkan oo ay dibad joog ka yihiin Warbaahinta qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa looga hadlayaa xalaadaha amni ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay caasimada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ku canaanayo Hey'adaha ammaanka dowladda qaraxyadii, madaafiicdii iyo falalkii amni daro ee habeenadii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho, waxaana tani ay qeyb ka tahay dhaliisha loo jeedinayo hey'adaha ammaanka dowladda.

Madaxweynaha ayaa waxaa shirka ku wehliya Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Taliyaha Booliska C/xakiin Dahir Saacid iyo saraakiil ka tirsan hey'adaha amniga, waxaana la filayaa in kulanka laga soo saaro warbixin.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay madaafiic duqeymo ah, kaasoo dowladdu sheegtay inuu ahaa kuwo dheemish ah, sidoo kale qaraxyo kala duwan oo mid ah uu Ismiidaamin ahaa ayaa todobaadkii hore ka dhacay agagaarka Air Porka Muqdisho, kaasoo lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Qaramada Midoobey.

Wixii ka soo kordha kulanka amniga Muqdisho looga hadlayo kala soco wararkeena dambe

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada