daajis.com:-Madaxweynaha Dowlada federalka Somalia Xasan Garguurte ayaa guri ka iibsaday magaalo loo dalxiis tago oo ku taala dalka turkiga, sida ku xusan dukumentiyaal sira oo anu ka helnay qaar kamid xogheynta Madaxweynaha .

My Turkish Home property company ayaa iyaduna website keeda ku shaacisay inay gaday guri mudooyinkan ay ku xayeesinesay website keeda , inkastoo website-ka shirkada aanu xusin milkiilaha gatay guriga , hadana waxaa lagu qoray inuu gurigan iibsaday siyaasi Somali ah.
Guriga la iibiyay oo uu horay ulahaa ganacsade aad looga yaqaano dalka turkiga oo la yiraahdo Mstafa Boydak.waxaa ku sawiran Wiil ka mida xogheynada Garguurte oo sawirkaan lagala baxay telefoonkiisa gacanta,sidoo kale waxaad fiirin kartaan marka Madaxweynaha ka degay Muqdisho isagoo wata shaarka iyo suite-ka ookiyaalaha uu qabo markii guriga Turkiga joogay ayuu ka soo muuqda Madaxweynaha iyo marwadiisa gadaashooda.
Guri ka kooban 5 qol iyo Swimming pool ama meel lagu dabaasho oo ku yaala magaalo loo dalxiis tago oo la yiraahdo Antalya.
Sida ku cad documentiga lagu iibiyay guriga ayaa waxaa ku xusan in qiimihiisu yahay 550,000 euro taas oo u dhiganta $923,560
afhayeenka madaxtooyada injineer yariisow oo aan isku daynay inaan arinkan wax ka waydiino ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo., iyadoona la xasuusto in socdaalki madaxweynaha uu ku tilmaamay socdaal caafimaad halka uu madaxweynahu sheegay inuu u baxay arimo qoyskiisa quseeya.

Sidoo kale markuu soo baxay wararka sheegaya iibsashada gurigan ayaa waxay wakaalada wararka ee reuters soo daabacday maqaal ay ku
falanqeeneyso musuq maasuqa iyo lunsashada lacago malaayiin dollar ah oo loo isticmaalay dano shaqsiyadeed.
Xigasho:- Waagacusub.com
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:32 and have
, Published at