Isku Aadka Isreebreebka Koobka Euro 2016 Oo La Soo Saaray.

Isku Aadka Isreebreebka Koobka Euro 2016 Oo La Soo Saaray.

daajis.com:-Waxaa dhawaan magaalada Nice ee dalka Faransiiska lagu qabtay isku aadka koobka qaramada Yurub ee 2016 oo ay martigelin doonto dalka France.
Group A ayaa u muuqda midka ugu yara adag isreebreebka Euro 2016 iyadoo ay ku jiraan xulalka Holland, Czech iyo Turkey. Halka kooxda difaacaneysa koobkaan ee Spain ay ku jirto Group C waxaana kula wehliya Ukraine.
Madaama sannadka 2016 ay koobka qaramada Yurub ka qeybgalayaan 24 xul, group kasta waxaa ka soo bixi doonta min labo kooxood, halka kooxda ugu dhibcaha fiican xulalka kaalimaha seddexaad ku dhameysta ay iyadana ku biiri doonto. Halka xulalka kale ee kaalinta seddexaad ku dhameysta loo qaban doono play-off.
France oo koobkaan martigelineysa ayaa ku jirta Group I laakiin waxa ay uga qeybgalayaan si saaxiibtinimo ahaan, dhibcaha laga helo France lama xisaabin doono kulan kasta ay ciyaartana waxaa laga soo qaadayaa mid saaxiibtinimo madaama ay ku soo baxeen martigeliyayaal ahaan.

Isku Aadka Isreebreebka Euro 2016:
Group A: Netherlands, Czech Republic, Turkey, Latvia, Iceland, Kazakhstan
Group B: Bosnia-Herzegovina, Belgium, Israel, Wales, Cyprus, Andorra
Group C: Spain, Ukraine, Slovakia, Belarus, FYR Macedonia, Luxembourg
Group D: Germany, Republic of Ireland, Poland, Scotland, Georgia, Gibraltar
Group E: England, Switzerland, Slovenia, Estonia, Lithuania, San Marino
Group F: Greece, Hungary, Romania, Finland, Northern Ireland, Faroe Islands
Group G: Russia, Sweden, Austria, Montenegro, Moldova, Liechtenstein
Group H: Italy, Croatia, Norway, Bulgaria, Azerbaijan, Malta
Group I: Portugal, Denmark, Serbia, Armenia, Albania, France (saaxiibtinimo kaliya)

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada