Kulankii dheeraa ee xalay Golaha Wasiirada ka yeesheen arrimaha Amniga oo go'aano ay ka soo baxeen.

Kulankii dheeraa ee xalay Golaha Wasiirada ka yeesheen arrimaha Amniga oo go'aano ay ka soo baxeen.

daajis.com:-Golaha Wasiirada Soomaaliya oo xalay kulan saacado badan qaatay oo looga hadlayay arrimaha ammaanka xalay ku yeeshay Madaxtooyada Somaaliya ayaa waxaa ka soo baxay go'aano kala duwan oo muhiim ah.

Kulankan ayaa waxaa shir gudoominayay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed, iyadoo looga hadlay arimo ay kamid yihiin qorshaha dhanka amaanka ah ee Xukuumadda Soomaaliya iyo ka-hortagga falalka argagixisanimo ee kooxaha Nabad-diidku ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo kulanka looga hadlay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana Xukuumada ay tacsi u dirtay ehelada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarkaasi in uu ilaahay u naxariisto, intii dhaawacantayna uu Samir iyo iimaan naga siiyo.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo saxaafada la hadlay markii uu soo dhamaaday kulanka ayaa uga warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay iyo go'aanada ay isla gaareen Goluhu.

Hadaba qodobada ka soo baxay kulankan ayaa waxay kala yihiin sida tan:

1. Waxaa la magacaabay guddi heer wasiir ah oo loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan falkii shalay lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya. Gudigaasi oo loo qabtay in ay 5 maalin guduhood ku soo bandhigaan faah faahin la xiriirta sida ay wax u dhaceen, kadibna ay usoo bandhigaan Shacabka Soomaaliyeed.

2. Waxaa goluhu uu faray Wasaaradaha Amniga Qaranka, Gaashaandhigga iyo hay’adaha hoos yimaada in ay jawaab dag dag ah ka bixiyaan weerarada argagixisadu ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

3. Waxaa xukuumaddu ay go’aan ku gaartay qorshe ballaaran oo lagu howl-galinayo dhamaan qaybaha bulshada, maamulada degmooyinka, gobolada iyo hay’adaha amniga heerarkooda kala duwan. Waxaa howlgelintani ay bilaabanaysaa maanta oo taariikhdu ay ku beegantahay 23/2/2014.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyad weyn siin doonto amniga shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay go’aano adag ka qaadan doonto sidii looga guulaysan lahaa Nabad-diidka iyadoo la kaashanayo Shacabka.

Maalintii jimcihii ayay aheyd markii Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen Madaxtooyada, halkaasoo ay gudaha u galeen dabley hubeysan, waxaana Al-Shabaab ku tilmaamtay inay weerarkaas kaga gol laheyd inay ku soo qabato Madaxweynaha Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada