Lamanayaasha :- Haddii Qilaafaadkiina Uu Joogto Noqday Arimahaan Sameeya

Lamanayaasha :- Haddii Qilaafaadkiina Uu Joogto Noqday Arimahaan Sameeya

daajis.com:-* In Aad Qolka Ka Baxdo : Doodda dheer ee labada dhinac uma keeneyso soo afjaridda qilaafaadka , taasi badalkeeda arinta ayay sii cakirineysaa , waxaa midkiina la gudboon in qolka uu ka baxo isla markaana joojiyo hadalka isaga oo aan dareemeyn in uu yahay dhinac ku liita arintaan , in laga joogsado eedda la isuguna jawaabin eryada wax dhaawacaya waxa ayna arintaan marqaati u yihiin xoogga caqliga iyo jaceylka.

* Ka Fikiridda Tiirarka Qoyska : waligaa qilaafaadka ha u dayn in ay noloshaada xukumaan oo noqo qofka ka guuleysta , waxaad yeelataa awood aad isku dajin karto kuna ogaan karto in tiirarka qoyska yihiin Jaceyl , is fahan iyo tix gilin .
* Dib Ha U Faqin Waxii Hore : waligaa dib ha ugu laaban in midka kale aad xasuusiso qaladaad horay uga dhacay taasina dhibka ayay sii hurineysaa .

* Sameynta Wax Yaabo Cadaadiska Kaa Yareeynaya : Daajis.com ayaa idinkula talineysa in aad sameysaan wax yaabaha aad jeceshihiin si aad uga taqalustaan tamarta xun oo uu cadaadiska kaaga idinkaga yaraado ugana talaabsataan xanaaqa, tusaale haddii aad tahay ragga daawada ciyaaraha dhankaas isku maaweeli inta carada kaa dageyso .


* Qirashada Qaladka: labada lamaane ee caqliga leh waa kuwo isu qirta qaladka iyadoo aan la adeegsaneyn luqadda canaanta.


*Dhageysiga Qofka Kale : is dhageysiga waa sir ka mid ah sirta guusha qoyska isla markaana furo u ah is fahanka iyo wadahadalka si wadada xalka loo gaaro .
* Dareen Kaftan : kaliya dhoola cadeyn yar ayaa ku filan in ay barafka dhalaaliso isla markaana qilaafka xalineysa.

* Hishiis Wanaagsan: ka dib qilaafka waa in labada lamaane si dhab ah dib u hishiisiin u sameeyaan taasi oo xanbaarsan romantic ka dib casho yar qac halaga soo siiyo oo magaalada ah ereyada xod xodashadana waa muqadas iyo lama taabtaan


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada