daajis.com:-Fiicnaan laheydee inaan indhaha isku qabto oo aan iska ilaabo
waxwalbo oo agagaarkeyga ah oo asaga uu ugu horeeyo!laakin waa mid aanan
suurtogal aheyn,waayo wuxuu ku dhex nool yahay wadnaheyga,wuxuu
maamulaa unugyada dhiigeyga,maskaxdeydana asaga ayey ka amarqaadataa.
Qiyaanadu waa jugta ugu culus ee qalbiga bini aadamka ku
dhacda.waxaaney ugu daran tahay marka ay kaa soo gaarto shaqsi aadan ka
fileyn marnaba,hadana og baahidaada.
Kama fileyn inuu ku dhaqaaqi karto talaabo heerkaas gaarsiisan,anigaa
isbiday xanuunka iyo welbahaarka caashaqa,waxaan u heystay inuu ii
jecel yahay in la eg intaan caawa la taahayo,inkastoo leyga digay in
dhaawacyo lama filaan ah iiga imaan karaan kalsoonida badan ee aan u
hibeeyey si indho la’aan ah.
Ima uusan jecleyn marnaba,anigaa aaminay hawo been ah,cakuye
nasiibdaradeyda waxaan ogaaday waqti xeero iyo fandhaal kala dhaceen.
Maxaan ku dabiibaa wadnaheyga dhiigbaxaya? Sideense ku samirsiiyaa
naftaa jiifka iyo soo jeedkaba aan iga ogolow.? Cakuye maxaan ka
faa’iidey qoomameynta. waqtigii xiisaha lahaa ee fariimaha caashaqa isu
gudbintooda ay macaaneyd.

Mararka qaar qofka waxaa loo qoray inuu guuleysto ama uu
qasaaro,aniga waan ku fashilmay xanaanadiisa iyo inuu nolosheyda u
hibeeyo jaceyl saafi ah oo ka madax banaan lugooyo,been iyo xiiso.
Waa inaan ku noolaado rajada ah inaanan helin
jaceylkiisa,islamarkaana ay noo kala dhamaatay. Waxaase xaqiiqdu tahay
inaan awoodin intaas oo idil,intaan jacelahay in la eg ayaan xumaan u
qaaday,waxaan rabaa inaan ka calool goosto,laakin waxaa iga tan badan
sida aan ugu nugulahay oo aan xagiisa uga ahay qof jilcan oo aanan ka
maarmin.
Fiicnaan laheydee inuu iisoo laabto,iga dalbado cafis. Anigoo aanan
ka fekerin ayaan qalbi furan ku soo dhaweyn lahaa,iskana iloobi lahaa
dhamaan xaalada qalqalka ah ee aan hada ku jiro. waxaan habaaraa
saacadii aan la kulmay asaga,ee aan gacanta u geliyey qalbigeyga.
Waan ogahay inaanan maskaxdeyda ka saari karin hebel…laakin waa inaan
olol aan loo kala harin ku qaadaa adiga iyo xusuustaada iyo waxkasta oo
kugu taxaluqa,si aan uga gudbo mixnada qoorta iigu jirta.
source:alcarabiya
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:30 and have
, Published at