Qormo Xiiso Leh : Foolxumadaada Quruxso Iyo Qalinkii Bisle

Qormo Xiiso Leh : Foolxumadaada Quruxso Iyo Qalinkii Bisle

daajis.com:-Qof walba wuxuu jecelyahay inu helo wax qurux badan sheey ama shaqsi taasna waa dabeecad ay ka wada simanyihiin bini’aadamka oo dhan hase ahaate qof walboo wax jeclaado wuxuu muruq, maal iyo maskaxba ku bixiyaa siduu ku heli lahaa wuxuu jeclaaday ama ka helay.

Wax walba aad waqti iyo maskax geliso wax uun waa ka soo baxaayaan sidaa moodeysay haba ka yaraadaan ama haka bataan laakin annaga haddii aan soomaali nahay waxaan rabnaa hadal iyo niyad been ah inaan ku raadino soomaalidana waxay horay u tiri, HABAR FADHISAA LEGDIN LA FUDUD iyo WAA RABAA ROOB BAA LAGU WAAYAY,
Dadka dhallinyarada ah marki ay ka sheekeysanaayaan rabitaankooda dhanka lamaanaha waxay ku jiraan riyo waxa ay tahay aan garan waayay,
Gabadhada soomaalida ah waxay ku leedahay: wallaahi film-kaas waa caajib atooraha waa romantic, lebbiskiisa caadi maahan, jirkiisa siduu u dhisan yahay kaba daran, wiilasha soomaalida ah maxaa sidaa u diiday inay noqdaan?
Wiilka soomaaliga ah waxuu ku leeyahay: fanaanad/atariisho heblo ma aragtay jir lee ma ku yaalo, sanka ilaa suulka waa laga qurxanyahay lebbiskeeda ka daran yaakheey, gabdhaha soomaalida reer baadiyeyaal waaye nooh, lebbis ma yaqaannaan, jirna iska daa, sambuus si qaldan loo laabay/sameeyay camal ay u kala dheertahay!

Laakin la isma weydiin horta dadka caanka ah marki ay caadiga yihiin wax badan ma ka duwanyihiin oo sidaa kaamirada uga aragtay ma yihiin?
Waa maya markii laga reebo inay xoogaa dhaqaale ah heystaan taasna adba nasiibkaada iyo shaqadaada waa ku heli kartaa, waxaa jiro dad la yiraahdo PAPARAZZI oo sawiro ka soo qaado ayagoon diyaar eheyn, taas ayaana caddeyn kuugu filan.

Waxaa meeshaas ka muuqdo in gabadha ay dooneyso nin u eg midki ay ku daawatay musalsalka waliba sidii film-ka ay daawato oo taxanaha ah oo kale jaceyl ula sameeyo.
Wiilkana sidoo kale gabadhii u TV-ga ka arkay gabar sideeda oo kale ah inuu nolosha la wadaago.

Dhanka quruxda aad raad raadineyso:
Horta haddii aad aragtid atariisho/atoore qurux badan macnaheedu maahan in dadka dhan sidaa u egyihiin ee waa qof la soo xulay oo kumanaan dad ah laga soo dhex xulay ka dibna meelaha yaryar ee ka dhiman lagu kabay animation ama iftiin/lighting, jirka aad arkeysid sidoo kale waqti badan iyo shaqo adag baa la geliyay ugu yaraan 6 bil ama ka badan.

Sidoo kale filim-ka jaceylka ah aad arkeysid waxaa laga yaabaa inuu socdo mudo 3 saac ah inta macaanna ay ka badantahay inta qaraar ee laga jaray qaladaadka filimada laga jaro, haddii hal clip laga dhigo 3 maalmood wuu socon karaa marka taas haddii aad dooneysid inaad ogaato bal tag meel filim lagu dhigaayo/duubaayo!

Anigoo iska dhigaayo wiilasha soomaalida ah:

Abbaayo haddii aad rabtid filim-ki aad daawatay oo kale jaceyl ah waxaan ku haaya kaas mid ka wanaagsan, sababtoo ah marka hore film 3 saac u soconaayaa aniga waxaan ku jilaa mid soconaayo 2,160 saacadood (3 bil) ka dibna atoorihii iyo atariishadii aad daawaneysay jidkeey mareen an mareenaa, micnaha waa kala tageynaa, ilaa laga gaaraayo film kale oo cusub, iyadoon waxba la isu raacan haddii kale isla filim-ka annagoo jileyno aan nolol dheer oo ilaa ebid ah isla qaadanee filim-ka qaladaadki laga jaray noogu dar oo waxii dhib yimaado hadhow aan CUT ku sameyno, adigoo Director ka ah meesha!
Anigoo gabdhaha difaacaayo:

Maraxow atariishada/fanaanada aad indhaha u taageysid meeqo malaayiin nin ah oo adiga camal ah ayaa u hanqal taageyso, oo waliba weysan ayagoo waqti iyo lacagba ku raadiyay; ma sheegin wixii nasiibkaada aad ku hesho, nin mooryaan ah oo dad badan dilay baa lagu yiri ninyahow salaadda tuko si aad janno u gasho isagoon ka waalin intuu xabbad sigaar ah oo dheer shitay u dhahay “eeboow janno jidkeed kuma joogo, haddana uma janjeero” Maraxow hadda adiga macallimada aad Tv-ga/Computer-ka ka daawato jidki lagu heli lahaa kuma joogtid, umana janjeertide maraxdaada maad iska iimaansatid intaad suuqa leedahay oo bidaar iyo calool ku soo weerarin ileen bidaar+calool beeso la’aan ah bilcaan ma rabtee!
Anigoo wiilasha iyo gabdhaha la hadlaayo:

Maraxoow/maraxeey horta adduunka labada qof ee isla socotaa maaha qofkaan waa qurux badanyahay ama jir buu leeyahay ee waxaa loo baahanyahay inay leeyihiin “something common” (xaaladda/dan guud oo lamaanaha mideyn karta)
Marki ay taas timaado qofkaas iyada/isaga ah oo aad rabtid hadduu foolxunyahay xitaa waad quruxsan kartaa ileen quruxda indhahaa sameeyo, foolxumo la qabsasho lee waaye abaaba.

Laakin haddii aad rabtid atoore/atariisho fanaan/fanaanad hebal ama heblo oo kale inaad nolol la wadaagtid adigana isaga/iyada oo kale iska soo dhig.

Abdirizak Hassan Mohamed (BISLE)
Xigasho : Dhaqanbile 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada