Top News:- Al Shabaabka Buulo Barde oo markii ugu horeeysay Qarax iyo Qaarajin isku bilaabay & qilaafkooda oo la ogaaday.

Top News:- Al Shabaabka Buulo Barde oo markii ugu horeeysay Qarax iyo Qaarajin isku bilaabay & qilaafkooda oo la ogaaday.

daajis.com:-Waxaa markii ugu horeeysay banaanka yimid qilaaf xoogan oo maalmahaan dambe u dhaxeeyay masuuliyiinta ururka Al Shabaab kuwooda ku nool magaalada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan. 

Ugu yaraan 8 ruux ayay iska Dileen Shabaabka Buulo Barde waxaana la rumeysan yahay raga la qaarajiyay inuu ku jiray Sheekh Xasan Cibaar oo magaaladaas caan ka ah.

Shabaabka Buulo Barde ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu maalmahaan dambe ka dhaxeeyay qilaafaad hoose haba ugu darnaato qaar ka mid ah odayaasha taageersan Al Shabaab ee deegaankaas oo diiday ama ka hor yimid mabnuucidii Al shabaab ku soo rogtay shirkadaha bixiya qadadka Internet-ka iyo Telefoonada.

Al shabaabka gobolada Bay , Bakool iyo magaalada Baraawe ayaa dhoor jeer oo hore is qaarajiyay balse iminka waa markii ugu horeeysay oo ay hilfaha isku qaadaan, gawaari Miineeysana isku qarxiyaan Al Shabaabka ka taliya magaalada Buulo Barde.

Sheekh Xasan Cibaar oo la aaminsan yahay in Qaraxaan lagu qaarajiyay waxaa dhanka kale la xaqiijiyay inay la dhinteen 4 Wiil oo istaaf u eheed. Xasan Cibaar waa masuul magaalada Buulo Barde ku soo dhaweeyay 2 sano ka hor Sheekh Cali Dheere iyo Fuaad Shongole oo ka tirsan xarakada Al Shabaab .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada