Topnews: Awooda Al-Shabaab iyo fashilka Dowladda Somalia - Maxaa ka dhacay Muqdisho?

Topnews: Awooda Al-Shabaab iyo fashilka Dowladda Somalia - Maxaa ka dhacay Muqdisho?

daajis.com:-Shirkadaha Isgaarsiinta oo Muqdisho iyo Koofurta Soomaaliya oo joojiyey Adeega Internetka? Waa maxay Sababtu??????
Fashilka Dowladda Federalka Somalia iyo awooda maleeshiyada Alshabaab ayaa sida bisha u soo muuqday kadib markii Shirkadaha Isgaarsiinta Muqdisho u hogaansameen amarka argagixisada Al-Shabaab oo muujisay inay Dowlada ka awood badan tahay.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo hore uga biya diiday amarkii Al-Shabaab ayaa ugu dambeyn joojisay adeegii Internetka Koofurta Somalia kadib markii Dowladda Somalia wax ka qaban weysay Shirkada Somtel oo joojisay adeegaas maalmo ka hor.

Maamulka Hormuud Telecom Somalia oo badbaadsanaya ganacsigooda ayaa qaatay go-aanka qaraar kadib markii laga damiyay xaruntii Jubooyinka ee Jilib ,iyadoo dhinaca kalena loogu hanjabay in degaan xeebeedka Galgaduud iyo Shabeelada dhexe laga damin doono.

Al-Shabaab waxay guluf xoogan ugu jireen inay sidoo kale jaraan Xarunta Isgaarsiinta Buuloburde taas oo isku xirta gobolka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.
Dowladda Somalia miyaaney fashilmin oo magac u yaal ka xun KMG noqon , hadii amarkii Al-Shabaab ka shaqeeyay Muqdisho ayna awood u heli waayeen inay ilaaliyaan ganacsiga madaxa banaan.


xeeldheerayaasha waxay qabaan inaan Dowladda Somalia loogu yeerin balse la joogo xilligii loogu yeeri lahaa Dowladda taagta daran ee ka talisa Jidka Maka Al Mukarama.

Si kastaba ha ahaatee, Hormuud Telecom oo cadaadiska ay kooxda Godane saareen yahay mid ku dhisan loolan ganacsi siyaasadeed waxay qaateen go-aan muhiima,waxaana laga maarmaana in qabiilka Hawiye isu diyaarsho sidii ay ganacsigooda ku badbaadsan lahaayeen maadama aysan jirin Dowlad Soomaaliyeed oo lagu kalsoonaan karo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada