Wargeysyada Spain Iyo Italy Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Kulamada Champions League Ee Xalay & Caawa.

Wargeysyada Spain Iyo Italy Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Kulamada Champions League Ee Xalay & Caawa.

daajis.com:-Saxaafada Spain ayaa diiradeeda ugu weyn waxa ay maanta saareysay Champions League, iyadoo qaar ka mid ah ay ka hadlayeen guushii xalayto ee Barcelona halka qaarka kale ay ka hadlayeen kulanka maanta ee Atletico Madrid ay la leedahay AC Milan.

‘Yeees!’ ayuu ahaa cinwaanka weyn ee bogga hore ee jariirada Barcelona ka soo baxda ee Mundo Deportivo ka dib markii Blaugrana ay xalayto 2-0 kaga badisay Manchester City.
Waxa ay sheegeen in Barca ay hal lug la gashay wareega 8da ka dib guushoodii ay ku gaareen magaalada Manchester.
Jariiradaha Madrid ka soo baxa ee AS iyo Marca waxa ay dhanka kale xooga saarayeen kulanka ay Atletico Madrid caawa ku booqaneyso AC Milan. AS ayaa bogeeda hore waxa ay soo dhigtay sawirka weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa oo ay ka danbeyso gool gubanaya. 
Waxa ay sheegeen in Costa uu diyaar u yahay San Siro, halka ay sidoo kale ka hadleen guushii Barca ee Etihad.
Cinwaanka jariirada Marca waxaa ku qornaa: ‘Habeenkii Atletico’ halka guushii Barca ay qeybta hoose ee bogooda hore ku xuseen.
Dhanka Talyaaniga wargeyska Corriere dello Sport ayaa iyagana bogooda hore soo saaray qoraal ah “Habeenkii Mario’ iyadoo uu la socdo sawirka weeraryahanka AC Milan Mario Balotelli.
Waxa ay sidoo kale ka hadleen guushii Barcelona, laakiin waxa ay sheegeen in xiddiga kulamadii xalayto inuu ahaa Zlatan Ibrahimovic kaasoo labo gool dhaliyay kulankii ay PSG 4-0 kaga badisay Bayer Leverkusen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada