Waxaa Uu Dhahey Brendan Rodgers:- Ma Aanan Aheyn Kuwo U Qalamay Guul Darada Nasoo Gaartey”.

Waxaa Uu Dhahey Brendan Rodgers:- Ma Aanan Aheyn Kuwo U Qalamay Guul Darada Nasoo Gaartey”.

daajis.com:-Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa ka hadlay guul daradii kasoo gaartay caawa kooxda Arsenal koobka FA Cupka wareegiisa 16ka.
Rodgers ayaa sheegay in kooxdiisa aysan u qalmin guul daro caawa isagoo sheegay in ugu yaraan ay xaq u lahaayeen inay bar baro ku dhamaato ciyaarta.
Rodgers oo waraysi gaaban siiyay BT Sport ayaa yiri” Dhabtii aad ayaan uga murugaysanahay guul darada caawa, waxaan aheyn kuwo ka fiican Arsenal, ugu yaraan waxaan u qalanay bar baro”.
“Aad ayaan uga xumaa in nalakaga hormaro 2 gool, laakiin ciyaartoyda waxay dadaal ugu jireen inay soo yareeyaan farqiga, laakiin ugu danbayntii ciyaarta waxay dhamaatay anagoo dhalin goolka bar baraha”.
“Waxaan xooga saari doonaa horyaalka waqtiyada soo socda, waxaan hiigsanaynaa hami dadka dhan ay ogyihiin waana inaan tartano oo aan helno boos noo sahli kara inaan u soo baxno Champions League xili ciyaareed ka danbe, sidaas darteed waa inaan foojignaan badan samaynaa waqtiyada soo socda”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada