Abuu Muscab:- Meydadka iyo dhaawacyada Jabuutiyaanka diyaarado ayaa looga qaaday Buulo Burde

Abuu Muscab:- Meydadka iyo dhaawacyada Jabuutiyaanka diyaarado ayaa looga qaaday Buulo Burde

daajis.com:-Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casii Abuu Muscab ayaa ka hadlay dagaal ka dhacay degmada Buulo Burde, halkaasoo maalinimadii khamiistii la wareegeen ciidamada wada jirka ah.

Abuu Muscab ayaa sheegay in weeraro dhowr jiho ay ku qaadeen Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ee ku sugan Buulo Burde, ayna qasaare xoogan u geysteen.

"Labo weerar ayaa lagu kala ekeeyay labada koontarool, waxaana si xun loola dhacay rasaasta iyo hubka noocyadiisa kala duwan, markii muddo uu dagaalka soconayay ayay ka soo firxadeen labada koontarool, waxay isugu tageen saldhiga, halkaas dagaal culus ayaa waabarigii saaka ku socday"ayuu yiri Abuu Muscab.

Sidoo kale Abuu Muscab ayaa sheegay in 19 ka mid ah Ciidamada Jabuuti ay ku dileen dagaalka iyo afar askari ka tirsan ciidamada dowladda, isagoo xusay in meydadka ciidamada Jabuuti lagu qaaday diyaarad helicopter ah.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in labo gaari kaga gubeen Ciidamada Jabuuti dagaalkii ay ku qaadeen Buulo Burde, waxaana uu cadeeyay in weerarada ay ku sii wadi doonaan saldhigyadooda.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM iyo Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku aadan dagaalka ka dhacay Buulo Burde, iyadoo Shabaabka markan bilaabeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada