AMISOM oo ka hadashay weerarkii khasaaraha dhaliyay ee magaalaga Buulo-barde

AMISOM oo ka hadashay weerarkii khasaaraha dhaliyay ee magaalaga Buulo-barde

daajis.com:-Wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Mohamed Salah Annadif ayaa ka hadlay weerarki Al-shabaab ku qaadeen magaalada Buula-berde ee gobolka Hiiraan, isagoona cambaareeyay weerarkaasi.

Warsaxaafadeedka Annadif ayuu ku sheegay in weerarkaasi lagu dilay ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Soomaaliya.

Mohamed Salah Annadif ayaa sheegay in xalay saacaddu markey ahayd 3:00AM habeenimo xilliga Soomaaliya, weerar gaadma ah oo loo adeegsaday walxaha qarxa lala eegtay albaabka hore ee guri ay daganyihiin ciidamada oo ku yaalla magaalada Buula-berde, iyadoo qaraxaasi ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Soomaaliya.

Waxaana weerarkaasi soo qaaday Al-shabaab oo iyagu sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen sargaalki ugu sarreeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan Korneyl Maxamed Aadan Amiin.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada