Nin Soomaali Norwegian oo ka mid ahaa ragii fuliyay weerarkii Buulo Burde

Nin Soomaali Norwegian oo ka mid ahaa ragii fuliyay weerarkii Buulo Burde

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa baahisay nin Soomaali Norway ahaa uu ka mid ahaa kooxihii fuliyay weerarkii habeen hore lagu qaaday degmada Buulo Burde.

Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Shabaab ayaa sii deysay codka ninkan oo da'diisa lagu sheegay 60-sano jir ka soo hijrooday dalka Norway muddo 13sano ka dagaalamayay Soomaaliya.

Ninkan oo lagu magaacabay Cabdullaahi Axmed Cabdulle oo loo yaqaanay Xabiibul Muhaajir, waxaana uu ka mid ahaa ragii fuliyay weerarkii lagu qaaday Hotel Camalow Buulo burde, iyadoo kooxihii weerarkaas fuliyay isugu jiray kuwo is qarxiyay iyo kuwo hubeysan oo xoog ku galay markii qaraxa dhacay.

Wareysiga ninkan lala yeeshay oo cod ahaa ayaa waxaa laga qaaday ka hor inta aanu fulin weerarka, isagoo tix gabay ku cabirayay jihaadka kuna guubaabinayay dhalinyarada inay sii wadaan weerarada.

Qaraxa oo ahaa mid ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay si loogu furto afaafka hore hotelka oo ilaalo adag laga hayay, iyadoo markii qaraxa dhacay uu bilowday iska hor imaad culus.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 20 ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti.

Qofkan ayaa noqonaya ninkii ugu da'da weynaa ee fuliyay weerarada ismiidaaminta, iyadoo horay Al-Shabaab weeraradan u adeegsan jireen dhalinyarada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada