Chelsea Oo U Soo Baxday Wareega Sideed Dhamadka Champions League Kadib Markii Ay Ka Adkaadeen Galatasaray.

Chelsea Oo U Soo Baxday Wareega Sideed Dhamadka Champions League Kadib Markii Ay Ka Adkaadeen Galatasaray.

daajis.com:-Chelsea ayaa si rasmi ah ugu soo baxday wareega sideed dhamadka Champions League kadib kulan leyksu jilba murxay oo ay la ciyaartay Galtasray kagana adkaatay 2-0, waxeyna isku ce celis ahaan ku soo baxeen 3-1, Chelsea oo guul u oomanyed ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii 4-aad kadib gool uu dhaliyay Eto’o oo kubad qurux badan uu ka helay xiddiga reer Brazil Oscar daba mariyay gool haye Musler.

Chelsea oo aan kubada dhankeda inbadan laga heysan ayaa aheyd mid kaliya gool raadis ah waxeyna daqiiqadii 21-aad heleen fursad gool loo fishay oo uu ka qasaariyay Lampard kadib kubad ay soo abuuren Hazrad iyo Oscar, mar kale daqiiqadii 32-aad Plusiyoon uu soo qaaday Lampard waxa lugta la helay Terry balse lama uusan haleelin goolka Galatasaray.
Chelseaoo garoonka intisa badan maamulaneysay ayaa goolki labaad heshay daqiiqadii 42-ad kadib kubad koorno ah oo uu Gary Cahill u badalay gool ayaa ciyaarta ka dhigtay 2-0 oo ay ku hor kaceyso Chelsea, sida ayaana lagu kala nastay qeybti hore Ee ciyaarta.
Blues oo dar dar xoogan la soo gashay garoonka qeybti labaada ayay daqiiiqadii 50-aad heshay fursad muhiim ah, iyadoo kubadii uu soo shuuday Willian u ka badbaadiyay goolhaye Musler, inta wixi ka dambeyay ciyaarta waxba iskama aysan badalin oo Chelsea ayaa hogaanka sii heysay.

Edin Hazard oo ciyaarta aaad uga muuqday ayaa kubad la soo dhex maray daafacyada Galatasaray balse uma aysn suura galin inuu gool dhaliyo kubadina banaanka ayay u baxday, mar kale daqiiqadii 87-aad Torres ayaa fursad gool loo fishay helay lakiin goolhayaha ayaa ka badbadiyay, sidaa ayayna ciyaarta ku soo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Chelsea.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada