Antonio Cassano Oo Ka Caawiyay Parma Inay Garaacaan 10 Ciyaaryahan Oo Milan Ah.

Antonio Cassano Oo Ka Caawiyay Parma Inay Garaacaan 10 Ciyaaryahan Oo Milan Ah.

daajis.com:-AC Milan ayaa ku guuldareysatay isku daygeedii ay ciyaarta dhanka kale ugu rogi laheyd kulankii ay marti qaadeen Parma iyadoo looga badiyay 4-2 islamarkaana inta badan ku ciyaarayay 10 ciyaaryahan iyadoo ay soo gaartay guuldaradii afaraad oo isku xigta.

Weeraryahankii hore ee Milan ayaa labo gool kala dhaliyay labadii qeyb ee ciyaarta ka dib markii Milan casaan laga siiyay goolhaye Christian Abbiati kaasoo qalad ku galay Schelotto daqiiqadii shanaad.
Laakiin iyadoo 2-0 lagu leeyahay islamarkana ay ciyaarta ka harsan tahay wax ka yar afar daqiiqo Milan ayaa dib u dagaalantay, iyadoo Adil Rami uu madax ku dhaliyay kubad kooner aheyd ka hor inta uusan Mario Balotelli rigoore gool u sarifin isagoo u barbareeyay kooxdiisa.
Barbarahaas ayaase waaray kaliya labo daqiiqo markii Amauri oo bedel ku soo galay uu shabaqa soo taabtay iyadoo rajada ay Parma ka qabto inay u soo baxday tartamada Yurub ay kor u sii kaceyso.
Waxaana ciyaarta hurdo u diray oo goolka afaraad madax ugu dhaliyay Jonathan Biabiany. Waxaana ay aheyd guushii shanaad ee isku xigta ee Serie A ee ay gaaraan iyagoo marti ah.
Guusha Parma ayaana waxaa ka danbeeyay macalinkooda Roberto Donadoni kaasoo lix horyaal iyo seddex Champions League la qaaday labo jeer uu soo noqday ciyaaryahan AC Milan ah.
Ciyaarta ka hor taageerayaasha Milan ayaa banaanbax ku hordhigay San Siro iyagoo ka careysan dib u dhaca ku yimid kooxda todobada jeer hanatay Champions League.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada