Premier League: Liverpool Old Trafford ku Xasuuqdey 10 ciyaaryahan oo Man United ah + Sawirro

Premier League: Liverpool Old Trafford ku Xasuuqdey 10 ciyaaryahan oo Man United ah + Sawirro

daajis.com:-Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaartay naadiga Man United ciyaar ka dhacday garoonka kooxda United ee Old Trafford, ciyaar ku dhammaatay 3-0, iyadoo kooxda Man U ay ku ciyaaraysay 10 ciyaaryahan markii laga qaatay kaarka guduudan.

Goolka hore waxa uu ahaa rigoore loo dhigay kooxda Reds waxaana u dhaliyey kabtankooda Steven Gerrard daqiiqadii 34-aad, markii uu isagoo ku jira diillinta ganaaxa kubbad gacan ku taabtay daafaca Man United ee Rafael, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-0 oo ay ciyaarta ku hoggaaminaysay Liverpool.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa mar kale waxaa rigoore loo dhigay Liverpool waxaana mar kale u saxiixay kabtankooda Steven Gerrard, daqiiqadii 46-aad.

Mar kale ayaa rigoore saddexaad loo dhigay Liverpool, waxaana goolkaas ka lumiyey Steven Gerrard oo kubbadii uu tuuray birta ku dhiftay, waxaana rigooradaas roose ku qaatay kabtanka Man United Nemanja Vidic oo qaladkaas galay.

Ciyaarta oo socota daqiiqadii 84-aad ayaa waxaa Man United ka dhaliyey goolka saddexaad weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Suarez, kaddib kubbad dhexbixis ah oo uu ka helay saaxiibkiis Daniel Sturridge, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-0 oo lagu dardaray Man United oo mininkeeda joogta.

Kooxda Liverpool waxaa ugu dambeysay in Old Trafford ay ku badiso sanadkii 2009-kii markaas oo Liverpool ay ku adkaatay 4-1, waxaana kaarka roosaha ee la siiyey Vidic uu noqonayaa kaarkii 15-aad ee laga bixiyo kulanka kooxahan dhex mara.

Liverpool ayaa haatan soo gashay kaalinta labaad ee kala horreynta horyaalka, waxaa ay leedahay 62-dhibcood, afar dhibcood ayeyna ka dambeysaa Chelsea, inkastoo wali hal kulan uu baaqi u yahay Reds.

Daawo Sawirrada:-




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada