Aqriso Waxuu Jose Mourinho Ka Yiri Casaankii La Siiyay Isaga Iyo Ciyaartoydiisa Willian Iyo Ramires?

Aqriso Waxuu Jose Mourinho Ka Yiri Casaankii La Siiyay Isaga Iyo Ciyaartoydiisa Willian Iyo Ramires?

daajis.com:-Tababare Jose Mourinho ayaa diiday inuu wax hadal ah ka yiraahdo kulankii shalayto kooxdiisa ay guuldarrada 1-0 ka soo gaartay Aston Villa iyadoo garsoore Chris Foy uu casaan siiyay Willian, Ramires iyo tababaraha reer Portugal shaqsi ahaantiisa.

Ciyaarta ka dib ayuu Jose Mourinho yiri: “Ma doonayo inaan ciyaarta muran geliyo. Ma doonayo inaan wax hadal ah ka iraahdo. Waxaan doonayaa inaan kaliya iska ilaawo oo aan waxba ka dhihin. Haddii aan hadal iraahdo dhib ayaan isku soo jiidayaa taasna ma doonayo.
“Laakiin macquul ma tahay in Agbonlahor uu kursiga keydka ka soo kaco oo gadaal ka jiido ciyaartoygeyga? Fursad uma helin oo aan su’aal ku weydiiyo garsooraha madaama uu ii diray taribuunka inaan koro. Garsooraha waxa uu leeyahay nolol wanaagsan sababtoo ah waxa uu aadagayaa gurigigiisa isagoo xor ah u ah inuu sameeyo wixii uu doono.”
Tababaraha Aston Villa Paul Lambert ayaa isna ka hadlay ciyaarta iyo casaankii la siiyay labada ciyaaryahan ee Chelsea waxaana uu yiri:

“Waan arkay qaladkii Ramires waxaana ay aheyd wax laga amakaago. Qaladkiisa waxa uu ahaa mid lug jabin kartay. Haddii qof kale uu idiin sheego wax taas ka duwan kuma raacsani. Casaankii hore waa laga doodi karaa kaliya qalad yar ayuu ahaa. Haddii casaankaas la siin lahaa ciyaaryahankeyga waan ka doodi lahaa. Laakiin casaankii labaad taas marmarsiiyo ma leh.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada