Arsenal oo guul ciriiri ah ka gaartay naadiga Tottenham kulankii London Derby + Sawirro

Arsenal oo guul ciriiri ah ka gaartay naadiga Tottenham kulankii London Derby + Sawirro

daajis.com:-Kooxda Arsenal ayaa guul ciriiri ah ka gaartay naadiga ay magaalada ka dhisan yihiin ee Tottenham kulankii London derby, ciyaar ku dhammaatay 1-0.

Arsenal ayay ku qaadatay kaliya labo daqiiqo inay gool ka dhaliso kooxda Tottenham oo ay marti u ahayd waxaana darbo xoggan ka dhaliyey daqiiqadii 2-aad ee bilowgii ciyaarta Tomas Rosicky, goolkaas ayaana guul ugu filnaaday Gunners.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ayey labada dhinac weerarro goolal loo filan karay sameeyeen balse ma dhicin inay gool dhaliyaan, ciyaartii London Derby ee ka dhacday garoonka White Hart Lane ayaana ku soo dhammaatay 1-0 oo ay guusha ku qaateen wiilasha Arsene Wenger.

Kooxda Arsenal ayaa sidaas kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka la gashay kooxda Liverpool oo galabta ka adkaatay Man United iyagoo wadaaga min 62-dhibcood, inkastoo farqiga goolasha ay kaalinta labaad ku fadhiso naadiga Reds lagu naaneyso.


Daawo Sawirrada:-



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada