Daawa Sawirada:- Orodyahan Mo Farah oo miyir doorsoomay qabow awgiisna uuna galay kaalinta labaad ee tartanka orodka ah.

Daawa Sawirada:- Orodyahan Mo Farah oo miyir doorsoomay qabow awgiisna uuna galay kaalinta labaad ee tartanka orodka ah.

daajis.com:-Orodyahanka Mo Farah ayaa laga qaaday garoonka kadib markii uu miyirbeelay orod ka dhacay magaalada New York maanta. 

Tartankan oo ahaa nus maaratoon ayaa waxaa uu ku dhamaystay Mo Farah 61mins 8secs iyadoo uu kaalinta koowaad uu galay orodyahan u dhashay dalka Kenya.

Mo Farah oo soddon jir ah ayaa si xowli ah ku dhamaystay tartankan waxaana uu ku dhacay dhulka kadib markii uu ka gudbay diilinta uu ku dhamaado tartanka.

Orodyahan Mo Farah ayaa sheegay in uu aad u wanaagsan yahay balse tartanka uu si xoog ah u cararay.
Miyridoorsoonka Mo Farah ayaa la sheegay in uu ka dhashay qabow daran oo ka jira magaalada New York.

Mo Farah oo ka hadlayay dareenkiisa ayaa yiri: 'Dareenkeygu wuu wanaagsan yahay, aad ayaan u cararay tartanka,

'Si xun ayaan u dhacay naftayda waxaan u sheegay, “Ha ordin” balse markii aan arkay inta noo dhaxeysa ma yareyn. 'Cimilada aad ayay u qabooobeyd maanta halkan, London sidan oo kale ma noqon doonto.
'Waa wanaagsanaan lahayd in aan guuleysto maanta, laakiin Mutai waa orodyahan wanaagsan. Waxbana iskama bedeli doonto tartarnka London oo waan sii wadan doonaa tababarkayga.'ayuu yiri Mo Farah.

Tartankan oo ahaa 13.1 mile ayaa waxa uu ahaa tartankii ugu horeeyay ee uu ka qeybgalo orodoyahankan u carara dalka Britain tan iyo bishii September ee sanadkii la soo dhaafay balse afar toddobaad kadib ayaa la rajaynayaa inuu ka qeybgalo tartanka uu sida weyn u rajeynayo in uu ka qeybgalo ee London Marathon 13ka bisha soo socota ee April. 

Mo Farah ayaan loo qaadin isbitaal waxaana la sheegay inuu caafimaad qabo. Tababarayaasha orodyahankan ayaa waxa ay ku macneeyeen sababta uu u dhacay inay ahayd isbedelka cimilada kadib markii uu dhulka sare ee dalka Kenya uu muddo labo bilood ah tababarka ku qaadanayay.

Orodyahanka Mo Farah ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto dalka Kenya Talaadada soo socota si uu labo toddobaad oo kale uu tababar ugu soo qaato kahor inta uusan dib ugu soo laaban London si uu ugaga qeybgalo tartanka Marathonka London.
 




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada