Waasiro iyo Xildhibaano u ambabaxay Magaalada xudur

Waasiro iyo Xildhibaano u ambabaxay Magaalada xudur

daajis.com:-kadib marki dowladda federaalka Soomaaliya ay la wareegtay gacan ku haynta degmada Xudur ayaa saaka la filayaa in wafdi balaaran oo ka socda dowladda ay gaaran halka.

Waxaa manta ka baxaya magaalada Baydhabo, Xaunta goboolka Baay  wafdi balaaran oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan  dowlada federaaalka Soomaaliya kuna waajahan  degmada Xudur ee gobolka Bakool oo dhawaan laga qabsaday al-shabab.

Dad xog ogaal ah ayaa waxay sheegiyan in ujeeda wafdigan ay ku tagiyaan degmada xudur ay tahay sidi gurmad loo gaarsin lahaa dadka ku tabaaleysan meelaha laga saaray al-shabab.

Amaanka degmada xudur ayaa weyn loo adkeeyay waxaana magaalada ka socota qabanqaabada lagu soo dhaweyn lahaa wafdiga balaaran ee ku waajahan degmada.

Degmada Xudur oo hada ay  gacanta  ku hayso dawlada federaalka Soomaaliya ayaa laga so sheegaya in ay ka ka jiraan  dhibaatooyin daran iyo biyo laan baahsan oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada