Daawo Sawirada:- R/wasaaraha oo la kulmay bahda fannaaniinta, lana dar-daarmay

Daawo Sawirada:- R/wasaaraha oo la kulmay bahda fannaaniinta, lana dar-daarmay

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federeaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa caawa kulan casho ah la yeeshay bahda Fanaaniinta ee hobolada Waaberi, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay inay bulshada Soomaaliyed wacyigeliyaan isla markaana soo celiyaan qaabkii Faneed ee ummadda loogu sameyn jiray hanuuninta iyo hoga tusaaleynta.

Kulankan ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyay Wasiirkiisa Warfaafinta Mudane Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, waxaana kulankan oo saacado badan qaatay ay iskula lafa gureen bahda Fanaaniinta ee hobolada Waaberi qaabka ugu haboon ee bulshada looga wacyigelin karo falalka guracan sida Burcad badeednimada, Tahriibka, marin habaabinta kooxaha nabadiidka iyo argagixisada, isla markaana loogu beeri lahaa wadan jaceyl, nabad jaceyl iyo inay naftooda iyo bulshadooda anfacaan.



Kulanka ayaa waxaa ka dhex muuqanayay xubno ay ka mid yihiin Fanaaniin, Abwaano, suugaan yahano, muusikiistayaal iyo mulaxamiistayaal ay ka mid aheyd Fanaanada Hibo Nuura oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, Fanaanka Maxamed Xuseen Lafoole oo isna ku noolaa waayahan magaalada Muqdisho, fanaanka Siciid Da’uud Cali Masxaf, Abwaan Maxamed Xasan Barrow, Abwaan Maki Xaaji Banaadir, majaajiliiste Cabdi Maxamed Ilkacasse iyo xubno kale, waxayna goobta ku soo bandhigeen heeso iyo gabayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Caawa sharafbey ii tahay inaan fursad isku helno oo aan goobtan ku wada casheyno, mana la qiyaasi karo shucuurteyda iyo sida aan ugu faraxsanahay inaan la kulmo hal dooradii fanka Soomaaliyeed, waxaana idiinku ammaanayaa inaad dalka ku nagaateen xilli ay dhacayeen dagaalo ahli ah iyo fowdo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha mar uu la hadlayay bahda Fanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday inay abuuraan heeso wadani ah oo shacabka ay ugu tilmaamayaan waxyaabaha gaarka ah ee alle ku maneystay dhulkayaga, gaar ahaana kheyraadka uu leeyahay, isaga oo si gaar ah uga codsaday in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku baraarujiyaan wanaaga nabadda iyo inay ka qeyb noqdaan horumarinta iyo hagaajinta dalkooda, si mustaqbalka Soomaaliya u hagaago.

Dhanka kale, Hibo Nuura oo ku hadleysay magaca hobolada Waaberi ayaa uga mahadcelisay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada casuumaadan, waxayna tilmaantay in ay ku ammaanayaan sidii wanaagsaneyd ee xukuumadiisu aaska Qaran ugu sameysay Alle ha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec isla markaana u garab siisay Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame oo uu gurigiisa ku booqday isaga oo xanuunsanaya.
“Anagu haddii aanu nahay bahda hobolada Waaberi waxaan diyaar u nahay inaan qeyb libaax ka qaadano wacyigelinta bulsahda iyo dib u yagleelida Qaranka Soomaaliyeed” ayay tiri Hibo Nuura oo tilmaantay in fanaaniintu ay ka mid yihiin bulshada sida aadka ah ugu nugul inay helaan nabad iyo dawladnimo.
DHAMAAD
 
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada