Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Maxaas iyo Ceelbuur oo lagu siqayo

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Maxaas iyo Ceelbuur oo lagu siqayo

daajis.com:-Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada jir ah ayaa gelinkii dambe ee manta la wareegay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyadoo la sheegay in ciidamada aanay la kulmin wax iska hor imaad ah oo kaga yimid Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka Xoogagii Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada Maxaas oo maalmihii u dambeeyay ay ku sii siqayeen ciidamada huwanta, waxaana xaalada degmada ay caawa tahay mid degan.

Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, waxaana ciidamadan oo la sheegay inay xoogan yihiin ay qorsheynayaan inay u jiheystaan deegaano hor leh.

Degmada Maxaas ayaa noqoneysa degmadii labaad oo ka tirsan Gobolka Hiiraan oo bishan gudaheed laga qabsado Shabaab, waxaana horay looga qabsaday degmada Buulo Burde oo aheyd goobihii saldhiga weyn u ahaa Shabaab.

Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaano hoos taga degmada Ceelbuur, gaar ahaan deegaanada Ceel-garas, Ceel La-helay iyo God-dhurwaa, oo ay isaga baxeen Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa ku sii siqaya degmada Ceelbuur oo ka mid ah meelaha shabaabka ku xooganaayeen Gobolada Dhexe.

Wixii warar ee ku soo kordha dhaq dhaqaaqyada ciidan ka socda Gobolada Dhexe kala soco Jowhar.com Insha Allaah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada