Ra'iisul Wasaaraha Malaysia oo sheegay in diyaaradii la la'aa ay ku bur burtay Koofurta Badweynta Hindiya

Ra'iisul Wasaaraha Malaysia oo sheegay in diyaaradii la la'aa ay ku bur burtay Koofurta Badweynta Hindiya

daajis.com:-Ra'iisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa ku dhawaaqay diyaaradii la la'aa ee MH370 ay ku bur burtay Koofurta Badweynta Hindiya, iyadoo lagu war geliyay eheladii dadkii diyaaradaas saarnaa aanay jirin cid ka bad baaday.

Najib Razak ayaa sheegay in tani ay ahayd go'aan ay gaareen, kadib markii la helay macluumaadka la xiriira raadka diyaarada ee sawiradii ay qaaday dayax gameedka

BBC-da ayaa aragtay fariimo qoraaleedyo loo diray eheladii dadkii saarnaa diyaarada la la'aa oo lagu war geliyay in aanay jirin cid ka bad baaday.

Ilaa 239 rakaab oo saarnaa diyaarada ayaa badankood ka soo jeeday dalka Shiinaha, waxaana soo gaba gabowday saddex todobaad oo la kala cadeyn waayay diyaaradan la la'aa inay si rasmi u bur burtay iyo in la afduubtay.

Diyaarada Malaysia laga lahaa ayaa ka kacday magaalada Kuala Lumpur 8-dii maarso, waxaana sideed saacadood markii ay hawada ku jirtay la waayay qadkii isgaarsiinta iyo raadeerka.



Baadigoobka caalamiga ee loogu jiro helida bur burka diyaaradan ku dhacday koofurta badweynta Hindiya ayaa wali socda, waxaana ka qeyb qaadanaya dalal fara badan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa dowladaha Australian iyo Shiinaha waxay sii daayeen sawiro muujiyay wax u eg bur burka diyaarada oo lagu arkay koofurta badweynta Hindiya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada