Daawo:- Dowladda oo qabsatay Buulobarde

Daawo:- Dowladda oo qabsatay Buulobarde

daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen magaalada Buulobarde ee gobolka Hiiraan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho oo la xiriiray mas'uuliyiin dowladda ka tirsan ayaa sheegay in haatan ciidammada ay gudaha u galeen Buulobarde.

Goobjoogayaal ku sugan Buulobarde ayaa goor hore sheegay in dagaal culus oo ka socday meel dibedda ka ah magaalada.
Ciidammo wato hub culus ayaa la sheegayaa inay ka dhaqaaqeen magaalada Beledweyne oo ay gaareen Buulobarde.
Buulobarde ayaa ah magaalada ay ugu awoodda bdan yihiin Al-Shabaab bartamaha Soomaaliya.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Maxamad Ibrahim Mucalimu oo la xiriiray dadka Buulobarde qaarkood ayaa sheegay in loo xaqiijiyay in dadka qaar ay ka qaxayaan magaalada.

Dhanka Galbeed

Dad ku sugan magaalada Beledweye ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa BBC u sheegay in ay arkeen ciidamada AMISOM oo labo qeyb ah oo weheliyaan kuwa dowladda in ay ku kala baxeen dhanka Galbeed iyo wadada laamiga ah ee isku xirta Beledweyne iyo Buuloburte.
Ciidmada dhanka Galbeed ku baxay ayaa la sheegayaa in ay 20Km u jiraan deegaanka Buqcaqable oo Shababku ka talinayeen
Boqolaal qosys ayaa ka qaxaya magaalada Buulobarde kuwaas oo saaka la rakayay iyaga oo gaadiid kala duwan u istcimaalaya si ay uga baxsadaan halkaasi maadaama ay ka cabsi qabaan in waxyeelo ay ka soo gaarto hadii iska horimaadyo culus ay dhacaan.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa BBC u xaqiijiyay in ay saaka duulaan labo dhinac ah qaadeen si ay Alshabab uga saareen magaalooyinka ay weli ka taliyaan.

xigasho:BBC
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada