Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Somalia oo manta soo arkay Muuqaalka aqalka sare ee Baarlamaanka Japan

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Somalia oo manta soo arkay Muuqaalka aqalka sare ee Baarlamaanka Japan

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta booqday xarunta Aqalka Sare ee Baarlmaanka Dalka Japan isla-markaana kulan la-qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Japan Mr Masaaki Yamasaki iyo ku xigeenkiisa Mr Azuma Koshishu.



Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalkan Japan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya tallaaboyinkii ay qaaday labaddii Sanno ee la soo dhaafay islamarkaana ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhisidda Aqalka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.


Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya kana dalbaday inay caawiyaan Baarlmaanlka Soomaaliya “ Baarlmaanka Soomaaliya howlo xoog leh oo dar-darteeda leh ayuu ku tallaabsada. waxaannu ka codsanay, Baarlmaanka Japan inay naga caawiyaan dhisidda Aqalka Sare ee Baarlamaanka” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socday oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guu iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa soo indho-indheeyey howlka shirarka ee Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalka Japan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada