Daawo Sawirada:- Qatarta Dagaalo la sheegay in ay kusoo wajahanyihiin Muqdisho oo laga digay(

Daawo Sawirada:- Qatarta Dagaalo la sheegay in ay kusoo wajahanyihiin Muqdisho oo laga digay(

daajis.com:-Guddoomiyaha Isbaheysiga nabada Soomaaliyed C/llaahi Shiikh Xasan oo maanta shir jaraaid qeybaha warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay dagaalo ku soo fool leh magaalada Muqdisho oo sababi kara barakac cusub iyo khasaare kale oo aan la soo koobi Karin geysan kara.

C/llaahi Shiikh Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay xoogaga Al-shabaab ay damacsan yihiin marka laga soo saaro gobolada dalka iney soo galaan Muqdisho si ay dagaalo cusub iyo burbur uga abuuraan.

“Waxaan ku baaqayaa in gacan la siiyo ciidamada AMISOM ee guryahooda iyo dalalkooda uga yimid iney ka taageeraan shacabka Soomaaliyed sidii looga hortagi lahaa kooxda Shabaab, waana inaan fahamnaa xoolaha iyo dhiiga nalala garab taagan yahay inaan ka faa’ideysano” ayuu intaa ku daray C/llaahi Shiikh Xasan. 

Gudoomiyaha Isbaheysiga nabada Soomaaliyed C/llaahi Shiikh Xasan ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM guulihii ay ka soo hoyeen dagaalada ay kula jiraan cadowga Soomaaliyed sida uu yir.

“Inkastoo natiijo muuqata laga gaaray la dagaalanka cadowga Soomaaliyed dhul badana laga saaray haddana nasiib daro laguma guuleysan in la laayo, weli waxay heystaan hubkii iyo shaqsiyaadkii ay wax ku gumaadi jireen, waxaana cad iney ku soo fool leeyihiin Muqdisho oo ka duwan magaalooyika kale, maxaa yeelay waa magaalo la wada degan yahay oo aan la kala laheyn” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.

Shacabka ku dhaqan koonfurta Somalia gaar ahaan kuwa degaanada shabaab laga saaray ayuu ugu baaqay C/llaahi Shiikh Xasan iney ku dedaalaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen Al-Shabaab oo mar kale aysan degaanadooda ugu soo laaban.

Dagaalka ay wadaan nimankaanu wuxuu ku wajahan yahay koonfurta Somalia oo kaliya, taasna waxaa kuugu daliil ah yaa ii sheegi kara ina Godane oo leh Hargeysa iyo meelahaas Gaalo ayaa joogtee ha la weeraro, anigoo aan islaheyn dad Soomaali ah oo nabad ku jooga dagaal u gee” ayuu intaa ku daray C/llaahi Shiikh Xasan.

Gudoomiyaha Isbaheysiga nabada Soomaliyed C/llaahi Shiikh Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaalida iney la shaqeeyaan ciidamada amaanka dowlada Somalia kuna soo wargeliyaan haddii ay arkaan dad ay ka shakiyaan ama falal amaan daro ku kacaya. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada