Wr Deg-Deg Ah:- Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wr Deg-Deg Ah:- Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

daajis.com:-Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan Ciidamada Jabuuti iyo Itoobiya ayaa la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyagoo labo jiho ugu ruuqaansaday magaalada muhiimka ah ee Buulo Burde oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Si dhab ah loogama oga howl galkan iyo meelaha ciidamada marayaan, iyadoo deegaanada qaar iyo dhulka ay ku sii siqayaan ay yihiin kuwo howd ah oo buuraley ah.

Col. Ibraahim Cusmaan Cabdulle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay si nabad kula wareegeen deegaanka Buq-aqable oo dhinaca galbeed magaalada Beledweyn kaga beegan 90-KM, halka degmada Buulo Burde ay u jirto 52-KM.

"Ciidamada dowladda iyo Hiil walaal oo Jabuuti ka socda waxaa la wareegnay deegaano badan, sida Buq Aqable, anaga waxaa ku soconaa dhinaca galbeed, Itoobiyaanka dhanka bari ayay ku socdaan"ayuu yiri.

Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Jabuuti ayaa dhanka galbeed ku socda, iyadoo sii maray deegaano badan, halka ciidamada Itoobiya ay dhanka bari qabteen, gaar ahaan wadada dheer ee laamiga Buulo Burde gala.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano ay ka mid yihiin Beer Xaani, Baardheere iyo Nuur Fanax oo duleedka bari Beledweyn ka xigta, iyadoo aan ilaa iyo hada la soo sheegin wax iska hor imaadyo ah.

Isgaarsiinta magaalada Beledweyn ayaa saakay hawada laga saaray, inkastoo goor dambe oo barqanimadii maanta ah dib hawada ugu soo laabtay, waxaana ay aheyd arrimo milateri sababaha hawada looga saaray isgaarsiinta.


Ciidamada huwanta ayaa labo jiho furin dagaal ugu furay, iyadoo saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan ay sheegeen inay qorsheynayaan in saacadaha soo socda ay la wareegaan magaalada Buulo Burde.

Magaalada Buulo Burde ayaa ah magaalo muhiim ah, waxayna u jirta Beledweyn ilaa 115-KM, waxay isku xirtaa deegaanada Gobolada Dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada