Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Saaka u Ambabaxay dalka Ethiopia.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Saaka u Ambabaxay dalka Ethiopia.

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa saaka ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Ethiopia.

Wafdiga ayaa tagi doona Magaalada Addis Ababa, halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo shirka Urur Gobaleedka IGAD.


Khudbad uu halkaasi ka jeedin doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu kaga hadli doonaa arimaha Soomaaliya iyo halka uu marayo dagaalada Dowladiisa ay kula jirto Al-Shabaab.

Shirka Urur Gobaleedka IGAD waxyaabaha la filayo in lagu soo hadal qaado waxaa kamid ah arimaha dagaalada Dowladda ay kula jirto Al-Shabaab, xilli Dowladda ay caawinayaan ciidamo ka socda wadamada Deriska.

Inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Magaalada Addis Ababa ayaa wuxuu la kulmi doonaa Madax ka tirsan Africa haba ugu badnaadeen Masuuliyiinta Dowladaha ciidankooda ay ka joogaan Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare C/wali uu ka qeybgalo shirka Madaxda Urur Gobaleedka IGAD, iyadoo safarkii labaad ay utahay ee uu ku tago Addis Ababa tan iyo magacaabistiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada