DAAWO:- Haweeney Soomaali ah oo fariin naxdin badan kasoo dirtay Yeman

DAAWO:- Haweeney Soomaali ah oo fariin naxdin badan kasoo dirtay Yeman

daajis.com:-Haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Khadro Daahir Cabdulle oo ku nool xero qaxooti oo ku taal dalka Yeman ayaa si murugo leh ugu hadashay dhibaato xun oo loo geystay.

Gabadhan oo iyadoo umul ah la dhaawacay, dhibaato xoogganna loo geystay waxay sheegtay in loogu hanjabay hadii ay ka hadasho dhibka soo gaaray in doon laga saari doono dalka Yeman si dib loogu celiyo Soomaaliya iyadoo socodkii ay gebtay, waxayna codsatay in intii lagu celin lahaa dalkeedii iyadoo dhibkan haysto oo aysan socon karin in nolosha la dhaafsiiyo oo la dhameystiro dhaawaceeda.

Khadro waxay sheegtay in xiligii dhaawaca soo gaarayay ay ka baxsaneysay faraxumeyn loo geysto, 11 sano ayey sheegtay in aysan ka bixin qolka ay ka degan tahay xerada qaxootiga, taasina ay ku tilmaamtay iney ku jirto xabsi.
Dhibaatada ka taagan Yeman ee dadka Soomaalida ayaa aheyn arintaasi kaliya, waxaana warbixin muuqaal uu kasoo diyaariyay wariyaha VOA ee Yeman uu soo bandhigay warbixino naxdin leh.


HALKAN KA DAAWO VIDEO


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada