Daawo Sawirada:- Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee AMISOM ka wadaan Shabeelaha Hoose

Daawo Sawirada:- Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee AMISOM ka wadaan Shabeelaha Hoose

daajis.com:-Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa dhaq dhaqaaq ciidan ka wada Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasoo ku wajahan deegaanada ay gobolkaas kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Diyaar garowga ay ku jiraan ciidamada huwanta ayaa ujeedkiisa yahay sidii Al-Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada gobolka, waxaana saacadihii u dambeeyay ay u dhaqaaqeen degmada Khoryooley iyo Buulo Mareer.

Sawiro laga soo qaaday fariisimaha Ciidamada ku leeyihiin Janaale ayaa muujinaya, iyagoo fariisimahooda ka soo baxaya oo wata gaadiidka gaashaaman, sida taangiyo, sidoo kale waxaa wehliya ciidamada dowladda oo iyana wata gaadiidka loo yaqaano Tiknikada.

Ciidamada huwanta ayaa kaabiga u fuula degmada Khoryooley oo ay labo jiho ugu soo kala dhaqaaqeen, waxaana ciidamada ay ka soo kala baxeen Shalanbood iyo Janaale, isla markaana ku socda deegaanada howdka iyo beeraha aseendooyinka.

Meelaha ay qorsheynayaan inay guluf ku qaadaan ciidamada huwanta ayaa waxaa ka mid ah degmada Baraawe oo ay saldhig weyn ku leeyihiin Al-Shabaab, halkaasoo horay uga dhacay weerar fashilmay uu Mareykanka ku qaaday Sarkaal Al-Shabaab ka tirsan

Lama soo sheegin ilaa iyo hada wax iska caabin ay la kulmeen ciidamada, laakiin sida caadada ah marka ay Al-Shabaab baneeyaan deegaanada oo ay la wareegaan ciidamada waxaa dhaca weeraro qaraxyo iyo dagaal ku dhufo ka dhaqaaq ah.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada