Horudhaca kulanka adag ee Chelsea vs Arsenal: Wenger oo kulankiisii 1000-aad leylinaya Gunners

Horudhaca kulanka adag ee Chelsea vs Arsenal: Wenger oo kulankiisii 1000-aad leylinaya Gunners

daajis.com:-Maalin xusuus leh, Arsene Wenger ayaa ka hortagaya Chelsea kulan derbi ah xilli uu u dabaal dagayo kulankiisii 1000-aad uu Arsenal  macallin yahay tan iyo markii xilkan loo magacaabay 1996-kii.


Ogeysiiska ciyaarta:-
Kulanka: Chelsea vs Arsenal

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Andre Marriner

Maalinta: Sabti

Taariikhda: 22/03/2014

Saacadda: 3:45 galabnimo geeska Africa

Tartanka: Premier League

Chelsea waxaa ka maqan Ashley Cole, Marco van Ginkel, dhanka kalana waxaana ka ganaaxan Ramires iyo Willian.
Arsenal waxa ka maqan Theo Walcott, Aaron Ramsey, Abou Diaby, Jack Wilshere, Mesut Özil iyo Nicklas Bendtner.



Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Jose Mourinho marnaba guuldarro kalama uusan kulmin macallinka Arsenal Arsene Wenger toban jeer ay kulmeen iyagoo kala wata Arsenal iyo Chelsea, shan jeer waa uu badiyay, shan kalana barbaro, marnaba kalama uusan kulmin guuldarro.

Arsenal ayaa rikoor wanaagsan oo dhanka guulaha ku heysata garoonka Chelsea ee Stamford Bridge 76 jeer oo ay booqatay waxaa ay ku soo badisay 25-jeer, waxaa ay barbaro gashay 25-kale, waxaana laga badiyay 26-kulan.
Blues ayaa laga badiyay markii ugu horreysay 15 kulan oo ka tirsan Premier league, waxaa ay aheyd toddobaadkii hore oo Aston Villa ayaa ka badisay.

Queens Park Rangers ayaa aheyd kooxdii ugu dambeysay oo ku soo badisa Stamford Bridge 1-0, waxaa ay aheyd bishii January sanadkii 2013, kaddib guuldarradas Blues ayaa guuldarro la’aan ah 25-kii ciyaar ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda.

Chelsea ayaa dhalineysay goolka hore ee ciyaarta ama hoggaanka qabaneysay shantii ciyaar ee ugu dambeeyay oo ay Arsenal la ciyaartay.

Kani waa kulankii 1000 -aad ee tababare Arsene Wenger uu hoggaamiyo Arsenal tan iyo markii macallinka kooxdan loo magacaabay aynu eegno rikoorka waayihiisii guul, guuldarro iyo barbaro.

Waxaa uu badiyay Wenger tan iyo markii Arsenal tababare looga dhigay 572 jeer, waxaa uu barbaro galay 235, halka laga badiyay 192-jeer.

Shantii guul ee ugu dambeeyay oo Arsenal Premier league ay ugu soo gaartay Stamford Bridge kooxda Blues ayaa ahaa mid dib u soo laabasha ah, in gool laga dhaliyaa, barbareysaa kaddibna badisaa.

Arsenal ayaa ku guuldarreysatay inay gool ka dhaliso Chelsea xaagaagan labo mar ay is arkeen, kulankii Premier league ayaa ku dhamaaday 0-0, halka 2-0 Emirates Stadium iyadoo lagu ciyaarayo looga soo badiyay Arsenal koobka Capital One Cup, labadii kulana waxa ay ka dhaceen garoonka Arsenal.

Arsenal ayaan marna xitaa badin 11-kii ciyaar ee ugu dambeeyay oo ay Premier league la ciyaartay kooxaha Chelsea,  Man Utd ama Man City, shan barbaro ayey gashay, lixna waa laga badiyay.


Kaddib 30 kulan oo Premier league ay Chelsea ciyaartay islamarkaana uruursatay 66-dhibcood iyadoo uu hoggaaminayo Jose Mourinho, waa dhibcihii ugu yaraa.

Chelsea ayaa hoggaanka ciyaarta u qabaneysay qeybta hore ee ciyaarta shantii kulan ee ugu dambeeyay oo ay marti geliyeen Arsenal.

Blues ayaa heysata rikoorka ugu fiican ee garoonkeeda xagaagan marka la eego kooxaha kale ee fooqa sare, sidee waxaa ay ku uruursatay 41-dhibcood, marnabana loogama badin xagaagan garoonkeeda Premier league marka laga hadlayo.

Arsenal ayaa iyadana ku fiican rikoorka dhibcaha ay garoomada kale ay ku soo heshay xagaagan oo ah 29 dhibcood, waxaa ay isku mid yihiin Spurs laakiin cel celiska goolasha ayey kaga fiican yihiin.

Khalid Boulahrouz ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee Chelsea rigoore ku keena iyadoo Jose Mourinho uu tababare u yahay Chelsea Premier league, waxaana rigooradaas ay timid May 2007, Arsenal ayeyna la ciyaareysay Blues.

Natiijada shantii kulan ee ugu dambeeyay kooxahan:-

England – Premier League ‎(EPL)‎       Dec 23, 2013  Arsenal 0 – Chelsea FC 0
England – Capital One Cup(League Cup) ‎(CCUP)‎    Oct 29, 2013   Arsenal 0 – Chelsea FC 2
England – Premier League ‎(EPL)‎       Jan 20, 2013   Chelsea FC 2 – Arsenal 1
England – Premier League ‎(EPL)‎       Sep 29, 2012   Arsenal 1 – Chelsea FC 2
England – Premier League ‎(EPL)‎       Apr 21, 2012   Arsenal 0 – Chelsea FC 0

W/D: Maxamed Qadar Ibraahim Daahir

Fakirkaadu waa muhim

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada