Daawo Muuqaal:- Wiil Soomaali oo qaxootinimo isaga dhiibay Ingiriiska oo lagu Wargaliyay in dib loogu celinaayo Muqdisho

Daawo Muuqaal:- Wiil Soomaali oo qaxootinimo isaga dhiibay Ingiriiska oo lagu Wargaliyay in dib loogu celinaayo Muqdisho

daajis.com:-Wiil Soomaali oo qaxootinimo isaga dhiibay dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inuu kala kulmay dhibaato baaxad weyn ka dib markii loo diiday in loo aqoonsado qaxootinimo islamarkaana loo sheegay in dib loogu celinaayo magaalada Muqdisho. 


Wiilkaan Soomaalig ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa dhawaantaan waxaa uu ka waramay arintaas ku saabsan dhibaatada uu kala kulmay dalkaas Ingiriiska ka dib markii uu isaga dhiibay qaxootinimo asagoona sheegay inuu kala kulmay dalka Ingiriiska dhibaato baaxad weyn oo qof ahaan iyo maskaxiyan ahaanba ah, Wiilkaan ayaa waxaa uu sheegay in dalkaas laga masaafuriyey laakiin xilli uu taransit ku ahaa dalka Turkiga dib loogu soo celiyey dalka Ingiriiska ka dib markii uu garyaqaanka u doodaayey wiilkaas uu dacwad ka keenay in wiilkaas Soomaaliga ah dib loogu celiyo magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. 

Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkaas Soomaaliga ah uu sheegay inay dhibaatadaas soo wajahday ay ku beertay wel wel iyo walaac ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu hada ku jiro xabsi guri oo kale iyadoona lugta looga xiray aalada elektoroniga ah ee u diidayso inuu meel walba uu tagi karo, wiilkaas Soomaaliga ah aya waxaa uu ku tilmaamay wax laga xumaado inay dowlada Ingiriiska ay sidaas u la dhaqanto 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada