Weerar ismiidaamin ah oo goor dhow lala eegtay Kolonyo Amisom ah oo geleysay Xerada Carbiska

Weerar ismiidaamin ah oo goor dhow lala eegtay Kolonyo Amisom ah oo geleysay Xerada Carbiska

daajis.com:-Weerar ismiidaamin ah, ayaa wuxuu xilligii Salaadda Maqribka uu ka dhacay aafafka hore Xerada Ciidanka Amisom, ay ku lee yihiin Deegaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaadiid ay la socdeen Ciidamada Amisom oo doonaayay in ay galaan Xerada ay ku lee yihiin Carbiska, ayaa waxaa soo dhex galay gaari Kaarib ahaa, oo la sheegay in uu saarnaa nin naftii hurre ahaa.

Qaraxa oo ahaa mid si weyn looga maqlay Deegaanada ka baxsan Carbiska, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu geystay khasaaro aan weli la ogayn inta uu le’eg yahay.

Gudoomiyaha Degaanka Lafoole Ibraahim Maxamuud Guuleed, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Deegaanka Carbiska uu ka dhacay qarax aad u weyn, uuna geystay nin naftii hurre ahaa.

Gudoomiyaha, ayaa beeniyay in leesku qarxiyay gaadiid ay la socdeen Ciidanka Amisom, xilli ay geli rabeen Xarunta Ciidan ee ay ku lee yihiin Deegaanka Carbiska, oo kaabiga ku haaya Lafoole.

Mar la weydiiyay cidda qaraxa lala eegtay, ayaa wuxuu ku sheegay Ciidanka Militariga ee Dowladda, ee fariisimaha ku leh Buundada Carbiska ee duleedka Degmada Afgooye.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu hadalkaan ku sheegay wareysi uu goor dhow siiyay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada