Daawo Muuqaal:- Xildhibaan Soomaaliland "Waa soo qaban doonaa asagoo maxbuus ah madaxweynaha maamulka Puntland

Daawo Muuqaal:- Xildhibaan Soomaaliland "Waa soo qaban doonaa asagoo maxbuus ah madaxweynaha maamulka Puntland

daajis.com:-Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Soomaaliland ayaa waxaa uu sheegay inay soo qaban doonaan asagoo maxbuus ah madaxweynaha maamulka Puntland hadii uusan faraggalinta uusan ka deynin degaanada maamulka Soomaaliland. 


Xildhibaan Cabadulqaadir Maxamed Xasan Indho-Indho oo ka mid ah golaha guurtida maamulka Soomaaliland ayaa waxaa uu sheegay inay maxbuus ahaan ay u soo qaban doonaan madaxweynaha maamulka Puntland hadii uusan ka deynin faragalinta uu ku haayo degaanada maamulka Soomaaliland, Xildhibaanka ayaa waxaa uu ku goodiyey in ciidamada maamulka Soomaaliland ay 40 km u jiraan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland islamarkaana ay awood u leeyihiin inay maxbuus ahaan u soo qabtaan madaxweynaha maamuka Puntland iyo madaxweyna ku xigeenkiisaba. 

Ugu dambeyntiina iyadoo hanajabaad culus ee ka timid maamulka Soomaaliland ay tahay mid ku salaysan muran maalmihii la soo dhaafay ka dhashay booqasho uu madaxweynaha maamulka Smaaliland ku tagay magaalada Laas Qorey oo ay labada maamulba ay sheegtaan inay ka tirsan yihiin maamulkooda, Xildhibaankaa ayaa waxaa kale oo uu kula taliyey madaxweynaha maamulka Puntland inuu wax ka qabto magaalada Gaalkacyo oo uu ka soo jeedo taas oo uuna ku tilmaamay mid kala qeybsan sida magaalada Bayruut. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada