Daawo Sawirada :- Booliis 4-Dollar oo lacag ah ku ganaaxay Gabar yar oo Sadax Sano jir ah

Daawo Sawirada :- Booliis 4-Dollar oo lacag ah ku ganaaxay Gabar yar oo Sadax Sano jir ah

daajis.com:-Sheeko layaab leh oo ka dhacday Magaalada Florida ee Dalka Mareykanka ayaa soo jiidatay Warbaahinta Caalamka kadib markii Ciidamada Booliiska Magaaladaasi lacag 4-Dollar ay ku ganaaxeen gabar yar oo la sheegay in ay jirto 3-Sano.

Gabadhan yar oo lagu Magacaabo Zaderaya ayaa qoyskeeda mar qura caan ka dhigtay kadib markii Sawiro laga qaaday xiligii Ciidamada Booliiska ay ganaaxayeen uu ku faafay Dalka Mareykanka iyo Meelo badan oo caalamka kamid ah.

Ciidamada Booliiska ee ganaaxay gabadhan yar ayaa ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay Sharciyada wadooyinka ayna xawaare inta la ogol yahay ka badan ay ku waday gaari yar oo Nuuca caruurta ku ciyaaraan xili ay ku dheeleesay laami gurigooda hor mara.

Waalidka dhalay Gabadhan ayaa durba ka gadoomay gabadhooda Warqada ganaaxa ah, waxa ayna bixiyeen lacagta 4-dollar ee lagu ganaaxay Zaderaya, Hooyada dhashay gabadhan ayaa sheegtay in dhacdadan kadib lasoo xariireen Telefishino ,Idaacado iyo Wargeysyo badan kuwaa ay tilmaantay in wareesiyo ka qaadeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada