Taliyihii Ciidamada Puntland ee Galgala oo Qarax ku dhintay

Taliyihii Ciidamada Puntland ee Galgala oo Qarax ku dhintay

daajis.com:-Taliyihii ciidamada Daraawiishta ee aaga Galgala Puntland Col. Jaamac Saciid Warsame (Af-gaduud) ayaa qarax miino ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay Sedax ka tirsan ilaaladiisii.

Qaraxan oo ka dhacay inta u dhaxeyso tuulooyinka Laag iyo Yalho ayaa Warar kala duwan ay kasoo baxayaan geerida Taliyaha, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Taliyaha laga soo toogtay buur korkeeda una dhintay, balse si rasmi ah looma hubo.

Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa wuxuu Taliyaha ka ambabaxay magaalada Boosaaso, isagoo kusii jeeday Buuraha Galgala, halkaasi oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada daraawiishta Puntland.


Maamulka Puntland weli kama aysan hadlin dilka sarkaalkan u qaabilsanaa aaga buuraha Galgala.

Col. Af-gaduud ayaa xilkan waxaa Sedax sano ka hor u magacaabay Madaxweyynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada