daajis.com:-Hay’adda sirdoonka Hollaand (MIVD) ayaa
la sheegay inay dhageystaan wadahadalka iyo Xogaha telefoonadda
Soomaaliya ee dadka Soomaalida ay caalamka kula xiriiraan.
Aqalka Wakiilladda ee Barlamaanka Holland ayaa tilmaamay inay
sharci-darro tahay in fasax la’aan la dhegeysto ama la dabagalo
Telefoonadda iyo Xogaha ku kaydsan Telefoonadda iyo Kombiyuutaradda ay
dalalka Shisheeye leeyihiin.
Wargeyska NRC Handelsblad ee ka soo baxa caasimadda dalka Holland
ee Amesterdam ayaa lagu soo daabacay Labo Dukumenti oo cusub oo uu soo
bandhigay Khabiir u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Edward
Snowden, laguna qeexay inay Hay’adaha Sirdoonka Hollad si toos ah u
dhegeystaan una turjuntaan Telefoonadda Soomaaliya.
Edward Snowden oo ahaan jirey Qandaraasle u shaqeyn jirey Hay’adda
Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA), haatan magangeliyo ahaan ugu nool
dalka Raashiya ayaa qoraalladiisa ku soo bandhigay inay Hay’adaha
Sirdoonka ee Holland iyo kuwa Maraykanka is-dhaafsadaan Xogaha ama
Daatooyinka Shirkadaha Telefoonadda Somalia iyo in la turjumo
wada-sheekeysiga dadka Soomaalida ee Holland ka soo hadla.
Wargeyska ayaa qoray in ay Hay’adda NSO ee Holland turjumaan Xogaha
la dhegeysto, iyadoo Hay’addaasi isbahaysi la ah Labada Hay’addood oo
Holland ugu qaabilsan Hawlaha Sirdoonka, kuwaasi oo Hay’adda Guud ee
Adeegyadda Sirdoonka (AIVD) iyo Hay’adda Ammaanka Holland (MIVD).
Warbixinta uu Edward Snowden ku qoray Wargeyskaas ka soo baxa
Holland, ayaa lagu sheegey inay Dowladda Holland u adeegsadaan Sirdoonka
dhegeysiga Telefoonadda Somalia si ay ula socdaan Hawlgalladda
Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha dalka Somalia.
Warbixinta waxa kaloo lagu xusay inay suurto-gal tahay inay
Maraykanka u urursadaan Xogaha Telefoonadda si ay Diyaaradaha aan
Duuliyaha Lahayn ee Drones-ka bar-tilmaameed uga dhigtaan Shaqsiyaadka
lagu tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin waxa ay Reer Galbeedka ugu
yeeraan Kooxaha Argagixisadda.
Dhinaca kale, Hay’adda Guud ee Adeegyadda Sirdoonka dalka Holland
(AIVD) ayaa la sheegay inay jabsadeen Website-yo ay leeyihiin Kooxaha
Islaamiyiinta Somalia, waxaana falkaasi lagu tilmaamay mid looga dan
lahaa in lagu raad-raaco Xogaha ku kaydsanaa Website-yadaasi oo aan
magacyadooda la shaacinin.
Xigasho: warfaafiye
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:52 and have
, Published at