Daawo Sawirada:- Burcad Badeed Soomaali ah oo laga keenay Jaziirada Seychelles oo lagu Wareejiyay Puntiland

Daawo Sawirada:- Burcad Badeed Soomaali ah oo laga keenay Jaziirada Seychelles oo lagu Wareejiyay Puntiland

daajis.com:-Waxaa Maanta Magaalada Garawe kasoo dagtay diyaarad siday Burcad Badeed Soomaali ah oo ku xirnaa Jaziirada Seychelles, kuwaa oo hada loo soo wareejiyay dhinaca Puntiland kuna qaadaan doonaan sanadaha uga dhiman xabsigooda.

Burcad Badeeda manta laga soo dajiyay Magaalada Garawe ayaa mudo sanado ah waxa ay ku xirnaayeen Jaziirada Seychelles , waxaana loo heestaa in ay kamid yihiin Burcad badeeda Soomaalida ayna ku hoolanaayeen falal la xariira qafaalka maraakiibta isticmaasha Biyaha Soomaaliya.

Madax ka socda hay’adda asluubta, saraakiil ka tirsan UNODC iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay munaasabada dhalinyarada ay kula wareegaysay Puntland, waxaa horay loogu xukumay dhalinyaradan xabsi u dhexeeya 7 ilaa 24 sano oo xarrig.

Taliyaha ciidanka asluubta Puntland Gen. Cali Nuur ayaa sheegay in Maamulka Puntiland ku dadaali doonaan ilaalinta xaquuuqda Maxaabiista leeyihiin , Maxaabiistaan lagusoo wareejiyayna ay xabsigooda ku dhameesan doonaan Xabsiyada Puntiland ugu tala gashay Burcad badeeda.

Shaafiici Cabdullaahi oo kamid ahaa Burcad badeedii manta laga soo dajiyay Magaalada Garawe ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ku dadaasho sida Dhalinyarada Burcad badeednimada ugu xiran dalka dibadiisa ay dalka kusoo celiso.

Xabsiyo ku yaala gudaha Puntland ayaa maxaabiistan saggaalka ah waxay ku qaadan doonaan inta dhiman xukunkooda, waxay qayb ka ahaayeen dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ku xiran dalalka dibedda.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada