Daawo Sawirada:- Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo magaalada Kampala kula kulmay dhigiisa Dalka Itoobiya

Daawo Sawirada:- Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo magaalada Kampala kula kulmay dhigiisa Dalka Itoobiya

daajis.com:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo howlo shaqo u jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa kulan gaar ah saaka la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Hailamariam Deselign.

Labada Ra'iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka amniga iyo horumarada laga gaaray howlgalada ka soconaya gobolada dalka ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya kuwa AMISOM, waxaana Ra''iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dawladda Itoobiya is garab taagooda dhanka howlgalka nabad soo celinta dalka Soomaaliya.

"Ra'iisul Wasaaraha waxaan ka wadahadalnay iskaashiga dhanka amniga iyo horumarada laga gaaray howlgalka nabad illaalinta ee ka soconaya gobolada" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo xusay in xukuumadu ay ku howlan tahay sidii howlgalka wejigiisa labaad loogu gudbi lahaa kaasoo gargaar lagu gaarsiin doono goobaha laga saaray kooxaha nabadiidka oo in muddo ah go'doonsanaa.


"Howlgalkani wuxuu caawinayaa sidii loo nabadeyn lahaa dhamaan gobolka geeska Afrika, caalamkana looga badbaadin lahaa dhibaatada iyo falalka argagixisada ay maleegayaan" ayuu mar kale yiri Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay intii uu socday kulankan in xaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ay haatan xasiloon tahay isla markaana ay Xukuumadu wado dadaalo ay ku mideyneyso aragtida qeybaha kala duwan ee ku howlan dhismaha maamul loo dhan yahay oo ka hana qaada goboladaasi, wuxuuna tilmaamay inay magaalada Muqdisho ugu yeereen qeybaha siyaasada iyo dhaqanka ee dadka goboladaasi si ay dawladda iyo dhinacyadaasi si loo mideeyo dadaalka iyo aragtida dhinacyada.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hambalyo u jeediyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuuna ku ammaanay adkeysigooda iyo geesinimada ay ka muujiyeen goboladii laga saaray kooxaha nabadiidka, gaar ahaana degmada Ceelbuur oo saldhig xoogan u aheyd kooxaha argagixisada. isaga ku dhiirageliyay inay shacabka kasbadaan isla markaana u muujiyaan dabacsanaan iyo caawin.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada