News:- Jabhadda Islaamiga ah ee Moro iyo dowladda Philippine oo heshiis saxiixday

News:- Jabhadda Islaamiga ah ee Moro iyo dowladda Philippine oo heshiis saxiixday

daajis.com:-Kadib 17 sanno oo dagaalo jabhadayn ah ay dhexmarayeen jabhadda Moro ee islaamiyiinta ka kooban iyo dowladda Philippines ayaa maanta kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo ay ku heshiinayaan, waxaana heshiiska dhexdhexaadin ka galay oo goobjoog ka ahaa Ra’isulwasaaraha dalka Malesia Najib Razak.

Waxaa lagu heshiiyey in ismaamul goboleed loo sameeyo dadka muslimiinta ah ee ku nool jasiiradda Mandanou, halkaasi oo ay jabhadda ka dagaalanto, ismaamulkaasi oo leh miisaaniyadiisa iyo ciidan Police oo u gaar ah.

75% daqliga kasoo xarooda jasiiradda ayaa waxaa qaadanaya ismaamul goboleedka oo lagu mahacaabo Bangsamoro .

Illaa 10 kun ama 15 kun oo dagaalyano ah oo jabhadda ka tirsan ayaa hubka tiirinaya, iyadoo guddi kumeelgaar ah uu sii maamulayo gobolka illaa doorashooyinka dowladaha hoose ee dhacaya sanadka 2016-ka.

Jabhaddii hore ee Moro ee iyadu heshiiska la gashay dowladda Philipine sanadkii 1996-dii, kaasi oo dhaqangali waayay iyo waliba jabhad kale oo lagu magacaabo Bangsamoro Islamic Freedom Fighters ayaanan ku jirin heshiiska.

Madaxweynaha dalka Philipine Benigno Aquino iyo hogaamiyaha jabhadda Moro Islamic Liberation Front (MILF) Al Haj Murad Ibrahim ayaa iyagu amaanay heshiiska, kuna tilmaamay mid taariikhi ah.

Illaa 120 kun oo qof ayaa la sheegaa in ay ku dhinteen dagaaladda, iyada oo jabhadda ay tahay tan ugu weyn ee Bariga Aasiya ka jirta.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada