Diyaaradda maqan:- Laanta hawada ee Thailand ayaa sheegtay in dayax gacmeedkoodu qabtay.

Diyaaradda maqan:- Laanta hawada ee Thailand ayaa sheegtay in dayax gacmeedkoodu qabtay.

daajis.com:-Laanta hawada ee Thailand ayaa sheegtay in dayax gacmeedkoodu qabtay ugu yaraan 300 oo cad oo dulsabbaynaya aag ka tirsan koonfurta badweynta Hindiya.

Halkaas ayaa loo malaynayaa inay ku burburtay diyaaraddii la waayay ee Malaysia.

Waxaa la sheegay in cadadkaas cabirkoodu ay u dhaxeeyaan 2 mitir ilaa 15 mitir.

Cimillada oo xumaaday

Dayax gacmeedka Faransiis-ka ayaa horay u sheegay in 220 cad oo loo malaynayo inay yihiin haraagii burburka diyaaradda la waayay ay ku arkeen isla aaggaas.


Hawlgalka diyaaraduhu ay ku baadigoobayeen koonfurta badweynta Hindiya ayaa la hakiyay cimilada oo xumaatay awgeed.

Mas'uuliyiinta Austrelia ayaa sheegay in diyaaraduhu ay ku soo noqonayaan xarumahoodii magaalada Perth balse marakiibtu ay weli isku dayayaan in ay hawlgalka sii wadaan.



xigasho:-BBC FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada