Ganacsato Soomaali ah oo isku dishay Koonfur Afrika

Ganacsato Soomaali ah oo isku dishay Koonfur Afrika

daajis.com:-Nin ganacsade Soomaali ah ayaa ganacsade kale oo soomaali ah maanta ku dilay magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika.

Ganacsadaha Soomaaliga ee dilay Soomaaliga kale ayaa sheegay inuu si kama u dilay, isagoo tilmaamay inay xabaddu kaga fakatay.
 
Mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaala xeebeedka Durban oo lagu magacaabo Mohamed Yusuf ayaa shabakadda Shacbiga u xaqiijiyay in ninka Soomaaliga ah ee dilay Soomaaliga kale ay booliska magaalada Durban gacanta kusoo dhigeen.
 
Allaha u naxariistee Ganacasadaha Soomaaliga ee la dilay ayaa lagu wadaa in caawa lagu aaso qabuuraha muslimiinta ee magaalada Durban ee gobolka Kwazula-Natal.
 
Ma ahan marki ugu horreysay ee Soomaalida Koonfur Afrika ay isdisho, iyadoo 11-ki June sanadki 2012 ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cumar yare lagu dilay magaalada Cape Town, waxaana dilay ganacsade kale oo Soomaali ah.
 
Xigasho: Shacbiga.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada