Daawo Sawirada:- Gabadhii ugu horeesay Soomaali ah oo kamid noqotay Saraakiisha Booliiska Mareykanka

Daawo Sawirada:- Gabadhii ugu horeesay Soomaali ah oo kamid noqotay Saraakiisha Booliiska Mareykanka

daajis.com:-Khadra Maxamed oo ah gabar Soomaali Mareykan ah ayaa noqotay Gabadhii ugu horeesay Soomaali ah oo kamid noqota Saraakiisha Ciidanka Booliiska Dalka Mareykanka.

Xaflad Balaaran oo maalintii shalay ka dhacday Magaalada St. Paul ee Dalka Mareykanka ayaa lagu shaaciyay in Khadra Maxamed oo 21-sano jir Soomaali ah ay kamid noqotay Saraakiisha Booliiska ee Magaalada Magaalada St. Paul, .

Kadra Mohamed ayaa farxad la dhoola cadeesay markii loo ogolaaday in ay kamid noqoto Saraakiisha Booliiska , waxa ayna sheegtay in ay doonayso in ay noqoto haweeyne ay ku daydaan haweenka kale ee ku nool dalka Mareykanka.

Gabadhan Soomaaliyeed ee kamid noqotay Saraakiisha Booliiska Waxay tilmaantay inay aad u jeceshahay inay door weyn ka ciyaarto shaqada loo dhiibay ayna caawiso haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi Mareykanka gaar ahaan magaalada St. Paul.

Bishii December sanadkii lasoo dhaafay waaxda Booliska ee Edmonton ayaa ansixayay in saraakiisha Booliska ah ee muslimka ay xiran karaan dharka xijaabka ah ee leh astaamaha Booliska magaaladaasi.

Khadra Mohamed ayaa ku dhalatay dalka Kenya iyadoo qeyb kamid ah nolosheeda ay ku qaadatay magaalada iminka ay sarkaalka Booliska ka tahay, waxaana hooyadeed ay ka qaxday dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyagoo ku noolaa xerada qaxootiga dalka Kenya kahor inta aysan Mareykanka gaarin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada